25.9 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

Xasan Sheekh oo dhaqaale u raadinaya howlgalka Aussom

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan dalka Itoobiya ayaa ka qayb-galay kulan shan geesood ah oo ay yeesheen isaga, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf, kaas oo looga arrinsanayey maalgelinta Howlgalka AUSSOM.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Guba ee dalka Itoobiya ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dhanka amniga iyo xasilinta gobolka iyadoo si gaar ah loo dul istaagay ahmiyadda taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Madaxweynaha Soomaaliya oo madasha khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay muhiimadda uu howlgalkan u leeyahay dalka iyo sidii looga dhabeyn lahaa xasilooni kusoo dabaalidda Soomaaliya, si looga adkaado argagixisada muddada dheer dagaalka adaga lagula jiro.

Sidoo kale wuxuu adkeeyay in taageerada joogtada ah ee Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo howlgalka AUSSOM ay muhiim u yihiin adkaynta guulaha laga gaaray kahortagga halista kooxaha khawaarijta ah.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu dhowaan Madaxweyne Xasan Madaxtooyada Qaranka kula yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika, ahna Madaxa cusub ee howlgalka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene iyo saraakiisha ugu sarreysa ee hoggaamisa howlgalkaasi, kaas oo isna looga hadlay caqabadaha haysta AUSSOM.

Intii uu socday kulankaas, Madaxweynaha ayaa ka dhageystay warbixinno la xiriira howlgallada AUSSOM ee gudaha dalka, iyadoo sidoo kale diiradda la saaray isbeddelka hogaamineed ee uu keenay Danjire Diene oo dhawaan la wareegay xilka Madaxa howlgalka.

Waxyaabaha si gaar ah looga hadlay waxaa kamid ahaa marxaladda kala guurka ee howlgalka AUSSOM iyo qorshaha lagu wareejinayo mas’uuliyadda amniga dalka, si buuxda loogu gacan geliyo Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Midowga Afrika uu la daala dhacayo culaysyo maaliyadeed tan iyo markii la bedelay howl-galka AMISOM loona beddelay AUSSOM. Dhaqaale la’aantaas ayaa si toos ah u saameysay waxqabadka ciidamada iyo kalsoonida howl-galka, taasoo dhalisay walaac ku saabsan awoodda uu u leeyahay in uu la tacaalo xaaladda amni ee sii cakiran ee Soomaaliya.

Falanqeeyayaal arrimaha amniga iyo siyaasadda ah ayaa qaba in xal waara uusan ku imaan karin oo keliya joogitaanka ciidamada ajaanibta. Waxaa la is weydiinayaa sida ay suurtagal u tahay in amniga la sugo iyadoo aan jirin isfaham siyaasadeed oo gudaha ah.

- Advertisement -

Read more

Local News