Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarka dhanka cirka ah ee ay ciidamada Israel ka fuliyeen gudaha magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, kaas oo ay ka dhalatay xaalad adag.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu caddeeyay mowqifka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in falkaasi ay u aragto mid gar-darro ah oo si toos ah uga hor imaanayo shuruucda caalamiga ah, maadaama ay waxyeelo gaartay guryo ay daganaayeen dad rayid ah.
Sidoo kale wasaaradda ayaa walaac xooggan ka muujisay saameynta weerarradan ay ku yeelan karaan xasilloonida gobolka Khaliijka, maadaama ay abuureen xiisado horleh.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamim Bin Hamad Al Thani ayaa uga tacsiyeeyay weerarka ay Israel ka geysatay magaalada Dooxa, isaga oo u caddeeyay in Soomaaliya ay si buuxda ugu garab taagan tahay Qatar, difaaca madax-bannaanideeda iyo amnigeeda qaranka.
Israel ayaa bartamaha Dooxa weerartay maalmo uun kaddib markii Trump uu digniin u diray kooxda wada-xaajoodka ee Xamaas, xilli uu ku riixayay xabbad-joojin cusub. Mareykanka ayaa si isdaba joog ah ugu eedeeyay Xamaas inay carqaladeyneyso wada-xaajoodyada. Dhanka kale, Israel ayaa lagu eedeeyay inay dhowr jeer hakisay wada-hadallada.
“Reer Israel way aqbaleen shuruudaheena. Waa markii ay Xamaas iyaduna aqbali lahayd,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social Axaddii.
“Waxaan uga digay Xamaas cawaaqibka ka dhalan kara haddii aysan aqbalin. Tani waa digniinteydii ugu dambeysay, mid kalena ma jiri doonto!”
Weerarka kaddib, Xamaas waxay sheegtay in kuwa la beegsaday ay ka doodayeen soo jeedintii ugu dambeysay ee Trump.
Kooxda waxay intaas ku dartay in weerarku “uu xaqiijinayo, shaki la’aan, in Netanyahu iyo xukuumaddiisu aysan doonayn in la gaaro wax heshiis ah ayna si ula kac ah u doonayaan inay fashiliyaan dhammaan fursadaha jira ayna carqaladeeyaan dadaallada caalamiga ah.”

