30.9 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

Xog: Xasan Sheekh oo ka xeeladeystay carada Masar ka hor furitaanka biyo-xireenka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay xaflada furitaanka biyo-xireenka ay Itoobiya ka hirgelisay Wabiga Nile ayaa waxaa soo baxaysa inuu kasii gaashaantay dhinaca Masar oo ay hadda yihiin xulafo dhow, isla markaana si weyn u diidan tallaabada ay qaaday Addis Ababa.

Sida ay innoo  xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow Villa Somalia, Xasan Sheekh ayaa qorshihiisa lasii wadaagay Masar, gaar ahaan go’aankiisa ka qeyb-galka daah-furka biyo-xireenka GERD oo shalay qabsoomay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Masar u sheegtay in ay weli u hayso ixtiraam, uuna iskaashigooda sii socon doono, kaas oo sii xoogeystay markii Itoobiya ay soo damaaacisay badda, markaas oo ay Qaahira garab istaag buuxa u muujisay Muqdisho.

Sidoo kale, inta ay socotay munaasabadda furitaanka biyo-xireenka wabiga Nile oo ay sidoo kale goobjoog ahaayeen madaxweynayaasha dalalka Jabuuti, Kenya iyo South Sudan ayaa waxaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu goobta ka sheegay in loo baahan yahay in la helo hab cadaalad iyo is ixtiraam ku dhisan maadaama kheyraadka biyaha dalalka qaarna uu u yahay badbaado, kuwa kalena uu tamar iyo horumar u yahay.

Marka la eego duruufaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee xiligan iyo danaha diblomaasiyadeedba ma sahlaneyn in Madaxweyne Xasan Sheekh diido casuumaada Itoobiya, maadaama maamulkiisu uu doonayo inuu u muujiyo saaxiibtinimo iyo kalsooni.

Masar oo xilligan ay si weyn isku hayaan Itoobiya waxa ay biyo-xireenkan u aragtaa khad cas oo halis ku ah amni qarankeeda iyo kan Suudaan.

Dowladda Masar ayaa sidoo kale muddo dheer kasoo horjeedday biyo-xireenka, sababo la xiriira walaac ay ka qabto inuu yareyn karo saamigeeda biyaha Wabiga Nile.

Qaahira ayaa ku tilmaantay biyo-xireenka oo loo yaqaan “biyo-xireenka weyn ee dib-u-curashada Itoobiya” mid khatar ku ah jiritaankeeda, maadaama dalku uu si buuxda ugu tiirsan yahay Wabiga Nile si uu biyo ugu helo beeraha iyo dadka ka badan 100 milyan.

- Advertisement -

Read more

Local News