28 C
Mogadishu
Sunday, April 26, 2026

Sawirro: Maxaa ka soo cusboonaaday Bariire?

Bookmark
Bookmarked

Share

Bariire (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Jeneraal Khaalid” ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada deegaanka Bariire, halkaas oo kulan muhiim ah kula qaatay odayaasha deegaanka.

Deegaankaasi dhowaan ayaa laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo muddo dheer ku dhibaato ku hayay shacabka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee deegaanka iyo sida nolosha bulshada ay u saameeyeen burburkii ay ka tageen Khawaarijta. Odayaashu waxay taliyaha la wadaageen cabashooyinka iyo baahiyaha degdegga ah ee bulshada.

Taliyaha ayaa sheegay in cadowgu uu burburiyay wax kasta oo faa’iido u lahaa dadka deegaanka, sida buundooyinka, guryaha, masaajidda iyo goobihii kale ee muhiimka u ahaa nolol maalmeedka. Tani waxay caddeyneysaa sida ay Khawaarijtu ugu hagardaameen shacabka deegaanka.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa odayaasha ku ammaanay doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan taageerada ciidamada iyo ka qaybqaadashada dib u dhiska deegaanka. Wuxuu sheegay in wada shaqeyn dhow lagu gaari karo amni iyo horumar waara.

Inta lagu guda jiray kulanka, Taliyaha ayaa ku celceliyay ballanqaad cad oo ku saabsan in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay kaalin muuqata ka qaadan doonaan caawinta dadka deegaanka.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in ciidamada aysan kaliya ku ekaan doonin dhinaca amniga, balse sidoo kale gacan ka geysan doonaan dib u dhiska.

Ugu dambeyntiina, Jeneraal Khaalid ayaa ku boorriyay odayaasha iyo bulshada deegaanka inay sii xoojiyaan taageerada ay siiyaan ciidamada, si loo xaqiijiyo in amniga iyo noloshii caadiga ahayd ee deegaanka dib loogu soo celiyo si waarta.

Dhaqaaqan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda qeybo ka mid ah dalka, gaar ahaan deegaanada ku teedsan Shabeellaha Hoose.

- Advertisement -

Read more

Local News