Doha (Caasimada Online) – Aqalka Cad ayaa Talaadadii sheegay in madaxweyne Donald Trump, uu “aad uga xun yahay” weerarkii Israel ay la beegsatay bartilmaameedyo ay leedahay Xamaas oo ku yaalla dalka Qatar, uuna faray la-taliyihiisa sare, Steve Witkoff, inuu uga digo Qatar weerarkaas soo socda.
Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanka ay subaxnimadii Talaadada maamulka ku wargeliyeen in weerarka Israa’iil uu dhici doono. Waxayse ka gaabsatay inay ka jawaabto su’aal laga weydiiyey ciddii wargelisay ciidanka Mareykanka.
Markii uu Trump arrintaas ka war helay, wuxuu faray Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka, Witkoff, inuu uga digo Qatar weerarka soo socda, sida ay sheegtay.
Si kastaba, Qatar ayaa sheegtay in weerarka lagu soo wargeliyey markii uu socday 10 daqiiqo kadib.
In kasta oo ay jirto warbixinta Aqalka Cad, Khalil Jahshan, oo ah agaasimaha fulinta ee Xarunta Carbeed ee Washington DC ayaa sheegay in dalal badan iyo dadka deegaanka ay weli u arki doonaan maamulka Trump inuu ku lug leeyahay arrintan.
“Marka Israel la siiyo ogolaansho oo ay asal ahaan fowdo uga abuurto gobolka ayna ku xadgudubto sharciga caalamiga ah, ayna ku xadgudubto madax-bannaanida dalal aan xitaa cadow ahayn, balse ah saaxiibbo aad ugu dhow Mareykanka, waa in qofku isweydiiyaa: Xaggee ayay Israel ka taagan tahay, maxaase loogu oggolaanayaa inay sidaas sameyso?” ayuu yiri.
Qatar, oo weli ah taageere adag oo u dooda xuquuqda Falastiiniyiinta, ayaa sanadkii 2022 loo magacaabay “xulufo weyn oo aan ka tirsanayn NATO (major non-NATO ally),” waana maqaam ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanku ku tilmaantay inuu yahay “calaamad awood leh” oo muujineysa xiriirka istiraatiijiyadeed ee dhow iyo “ixtiraamka qotada dheer ee saaxiibtinimada loo hayo dalalka la siiyo.”
Jahshan ayaa sheegay in sharaftaasi, weerarkii Israel kaddib, “waxba kama jiraan laga dhigay.”
“Haddii maqaamkaasi uu kuu oggolaanayo inaad u nuglaato weerarro kaaga yimaada dal xulufo la ah Mareykanka oo haysta ogolaansho Mareykan ah, markaas aniga ahaan, waxaan doorbidi lahaa inaanan lahayn saaxiibbo caynkaas ah,” ayuu yiri.
Qatar waxay sidoo kale hoy u tahay saldhigga cirka ee Al Udeid, oo ah xarunta milateri ee ugu weyn Mareykanka ee Bariga Dhexe. Saldhiggan, marka laga soo tago Ciidanka Cirka ee Mareykanka, waxaa ku sugan Ciidanka Cirka Qatar, Ciidanka Cirka Boqortooyada Ingiriiska (Royal Air Force), iyo guud ahaan ilaa 10,000 oo shaqaale ah.
Dalka ayaa sidoo kale isu arka inuu yahay hanti diblomaasiyadeed oo u furan Mareykanka iyo quwadaha kale ee reer Galbeedka, isagoo sannado badan martigeliyay xafiisyo siyaasadeed oo ay leeyihiin kooxo muhiim u ah siyaasaddooda arrimaha dibadda, oo ay ku jiraan Xamaas iyo Taliban.
Mas’uuliyiinta Qatar ayaa sheegay inay oggolaadeen inay martigeliyaan xafiiska Xamaas in ka badan toban sano ka hor, iyagoo codsi ka helay Washington.
Nabeel Khoury, oo hore u ahaa ku-xigeenka madaxa safaaradda Mareykanka ee Yemen, ayaa sheegay in goobta uu ka dhacay weerarka Talaadadii, oo ah bartamaha Doha kuna dhow kiilomitirro uun saldhigga Al Udeid, ay ka yaabisay.
“In kasta oo aan ahay qof wax shakiyo oo la qabsaday xadgudubyada Israel, waa inaan qiraa inaan naxay,” ayuu yiri. “Waxaan u maleynayaa in qof walba uu naxo oo uu ka soo tooso riyo kasta oo uu ku jiro, una soo jeesto xaqiiqda ah in Israel ay hadda si cad u noqotay dal gebi ahaanba sharciga ka baxay.”
Khoury wuxuu sheegay in weerarku ay u badan tahay inuu hoos u dhigi doono diblomaasiyadda, isagoo sii wiiqi doona sumcadda Mareykanka ee gobolka, isla markaana ka dhigaya in koox kasta ama xulufo kasta oo ka fekeraya ka-qaybgalka wada-xaajoodyada uu Mareykanku garwadeenka ka yahay ay ka labalabeeyaan.
“Runtii, ma arko sida qofna, gaar ahaan dunida Carabta, uu ula sii macaamili karo Mareykanka,” ayuu yiri Khoury.
Jahshan wuxuu intaas ku daray in dalalka deriska la ah Qatar, oo ay ku jiraan Imaaraadka Carabta, oo xiriirka la caadiyeeyay Israel sanadkii 2020, iyo Sacuudi Carabiya, oo muddo dheer loo arkayay guusha ugu weyn ee caadiyeynta xiriirka Israel iyo Carabta, ay dareemi doonaan culeys ah inay qaataan mowqif adag.
Haddii ay oggolaadaan in mid iyaga ka mid ah la beegsado weerar noocan oo kale ah, markaas dhammaantood waxay mustaqbalka bartilmaameed u noqon karaan weerarro la mid ah,” ayuu yiri. “Sidee ayay u dhaqaaqayaan?”

