28.2 C
Mogadishu
Sunday, April 26, 2026

Somalia iyo laba dal oo kale oo qaaday tallaabo la xiriirta weerarkii Israel ee Qatar

Bookmark
Bookmarked

Share

New York (Caasimada Online) – Dalalka Soomaaliya, Algeria iyo Pakistan ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta weerarka ay Israel ku qaaday dalka Qatar, iyaga oo dalbaday in fadhi deg-deg ah ay weerarka ka yeeshaan Golaha Amniga Qaramada Midoobay.

Waxaa kale oo soo jeedintaan taageeray waddamada Faransiiska iyo Ingiriiska oo ka mid ah xubnaha joogtada ah ee Golaha Amniga, waxaana arrintan ay ka dambeysay kadib markii Qatar ay ashtako u gudbisay QM oo ku saabsan weerarka Israel ee gudaha Doha.

Ujeedka ah ugu wayn ayaa ah in la qaado tallaabada ugu haboon ee ku aadan jawaabta Israel, maadaama weerarka uu dhaliyay saameyn xooggan oo gaartay rayidka.

Soomaaliya ayaa hadda kamid ah xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Amniga ee QM, iyada oo metaleysa Afrika iyo Carabta, waxaana ku wehlinaya dalka Algeria oo haatan qayb ka ah kulanka deg-degga ah ee loogu baaqay inay isugu yimadaan Golaha Amniga.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay si kulul ugu cambaareysay duqeyn cirka ah oo ay ciidamada Israel ka fuliyeen magaalada Doha, taas oo ay ka dhalatay xaalad adag.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu caddeeyay mowqifka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in falkaasi ay u aragto mid gar-darro ah oo si toos ah uga hor imaanayo shuruucda caalamiga ah, maadaama ay waxyeelo gaartay guryo ay daganaayeen dad rayid ah.

Sidoo kale wasaaradda ayaa walaac xooggan ka muujisay saameynta weerarradan ay ku yeelan karaan xasilloonida gobolka Khaliijka, maadaama ay abuureen xiisado horleh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhankiisa khadka taleefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamim Bin Hamad Al Thani ayaa uga tacsiyeeyay weerarka ay Israel ka geysatay magaalada Doha, isaga oo u caddeeyay in Soomaaliya ay si buuxda ugu garab taagan tahay Qatar, difaaca madax-bannaanideeda iyo amnigeeda qaranka.

- Advertisement -

Read more

Local News