27.6 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

Dr Cumar Cabdi Daahir oo loo dilay aano qabiil darteed

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalacyo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil argagax leh oo xalay magaalada Gaalkacyo loogu gaystay dhaqtar caan ka ahaa gudaha magaaladaas oo xarun ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Dr Cumar Cabdi Daahir (Surweyn), wuxuuna kamid ahaa dhaqaatiirta da’da yar ee ka howlgala Gaalkacyo, iyada oo lagu khaarijiyay xaafadda Horumar ee magaaladaasi,

Wararka ayaa sheegaya in aano qabiil darteed loo dilay dhaqtarka, waxaana ka dambeeyay rag hubeysan oo toogtay, kadibna ka baxsaday goobta.

Cabdirashiid Maxamed Cali oo ay saaxibo dhow ahaayeen marxuumka ayaa ka shakeeyay sida ay wax u dhaceen, waxaana uu sheegay in si xaqdaro ah loo dilay dhaqtarka.

“Dr. Omar wuxuu ka mid ahaa dhallinyarada aqoonta iyo nolosha bulshada wax ku soo kordhin lahaa, balse nasiib darro gacmo hubaysan ayaa ka jaray bulshada iftiinka uu u noqon lahaa” ayuu yiri Cabdirashiid.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Dilka dhalinyarada aqoonyahanka ah waa dhibaato ka dhan ah horumarka, waxbarashada, iyo mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed”.

Ciidamada ammaanka ayaa haatan wada baaritaanno dheeraad ah, iyaga oo baadi goobayo raggii ka dambeeyay dilka loo gaystay Dr Cumar, si cadaaladda loo horkeeno.

Waa dhaqtarkii labaad oo lagu dilayo Gaalkacyo sabab la xiriirta aano qabiil, waxaana horay sidaan oo kale magaaladaasi loogu dilay Dr Sakariye Cabdi Jaamac oo loogu dhex-tegay xaruntiisa, kadib markii uu ugu galay nin ku labisnaa dareeska ciidamada oo watay qoray AK47 ah.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa haatan kusii kordhaya dilalka aanooyinka ee lagu beegsanayo dadka indhaha u ah bulshada, taas oo soo noq noqtay.

- Advertisement -

Read more

Local News