27.7 C
Mogadishu
Sunday, April 26, 2026

Madasha Samatabixinta oo si adag ugu digtay Xasan Sheekh – Maxaa soo kordhay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ku mideysan yihiin inta badan mucaaradka dowladda Soomaaliya ayaa digniin culus kasoo saaray dhul boob ay sheegeen inuu ka socdo xaruntii Kulliyadda Tababarka Ciidanka ee Axmed Gurey ee dhulka Jaamacadda Ummadda.

Mucaaradka ayaa sheegay in xaraashka kulliyaddii tababarka saraakiisha ciidanka iyo tii caafimaadka ay tilmaamayso in dagaalka Al-Shabaab iyo Daacish uusan muhiimad u lahayn dowladda Xasan Sheekh.

“Tan waxay sawir kale oo dhab ah ka bixinaysaa caqliyadda, hab-dhaqanka iyo fahamka Madaxweynuhu uu ka haysto dowladnimada, kaasoo ah hanti qabsi,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Madasha Samatabixinta.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Waxaa intaas oo dhan ka sii xanuun badan, in ciidamadii qaranka oo ku qalabaysan agabkii ciidan ee dalka loogu deeqay, ayna ku jiraan gaadiidkii gaashaaman la adeegsanayo barakicinta danyarta iyo boobka dhulka, taas oo caddeyntoodu meel kasta taalo.”

Madasha ayaa mar kale si adag uga digtay Madaxweynaha iyo ganacsatada ku lugta leh boobka in ay ka waantoobaan, kana joogsadaan, xusuusnaadaanna in lagula xisaabtamayo ku takrifalka iyo boobka hantida qaranka, iyada oo la wada ogyahay in muddo xileedka Madaxweynuhu ay bilo kooban ka harsan yihiin.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Madasha:

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay si adag u canbaaraynaysaa dhul boobka ka socda xarunta Kulliyadda Tababarka Abbaanduulka Ciidanka ee Axmed Gurey, Dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), gaar ahaan Xarunta Jiifka Ardayda iyo Kulliyadda Caafimaadka.

Ciidanka iyo tacliintuba waa aasaaska dowladnimada. Xarashka kulliyaddii tababarka saraakiisha ciidanka, iyo tii caafimaadka, iyadoo dalku ku jiro dagaal argagixiso, waxay tilmaamaysaa in dagaalka Al-Shabaab iyo Daacish uusan muhiimad u lahayn dowladda, waxayna sawir kale oo dhab ah ka bixinaysaa caqliyadda, hab-dhaqanka iyo fahamka Madaxweynuhu uu ka haysto dowladnimada, kaasoo ah hanti qabsi.

Sida ku cad Qod. 3aad ee Xeer Lam. 18, ee soo baxay 29 Jannaayo 1976, cidina milkiyad sharci ah kuma sheegan karto hantida dowladda oo ay ku jiraan dhulka danta guud, waxaana muuqata in baaqyadii kala duwan ee Madasha aan dheg loo dhigin, isla markaana aan la tixgelin shacabka danyarta ahaa ee ku noolaa dhulkaas, oo cabashooyin qalbi xanuun leh la taagan waddooyinka iyo warbaahinta, iyaga oo loo diiday xaqii dastuuriga ahaa ee ay ku lahaayeen qaranka, kaas oo ahaa in ay helaan dhul ay degaan.

Waxaa intaas oo dhan ka sii xanuun badan, in ciidamadii qaranka oo ku qalabaysan agabkii ciidan ee dalka loogu deeqay, ayna ku jiraan gaadiidkii gaashaaman la adeegsanayo barakicinta danyarta iyo boobka dhulka, taas oo caddeyntoodu meel kasta taalo.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay mar kale ugu digaysaa Madaxweynaha iyo ganacsatada ku lugta leh boobka in ay ka waantoobaan, kana joog sadaan, xusuusnaadaanna in lagula xisaabtamayo ku takrifalka iyo boobka hantida qaranka, iyada oo la wada ogyahay in muddo xileedka Madaxweynuhu ay bilo kooban ka harsan yihiin.

- Advertisement -

Read more

Local News