Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa shaacisay in natiijo wax ku ool ah laga gaaray wada-hadallo dhex-maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.
Labada mas’uul ayaa intii uu socday kulankooda isla qaatay xoojinta xiriirka labada dal, nabadgelyada gobolka iyo iskaashiga horumarineed ee heer gobol.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo miro dhal ah kula yeeshay magaalada Addis-ababa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.
Xasan Sheekh iyo Abiy ayaa xaqiijay ka go’naashaha sidii looga shaqeyn lahaa xasiloonida amniga iyo horumarka, maadaama Soomaaliya iyo Itoobiya ay daris yihiin.
Ra’iisul Wasaaraha oo dhankiisa qoraal kasoo saaray kulankan ayaa yiri “Waxaan saaka la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo aan ka wada-hadalnay danaha guud ee gobolka. Waxaan mar kale xaqiijinnay sida ay nooga go’an tahay kobcinta xasilloonida, amniga, iyo horumarka gobolka oo dhan.”
Kulankan ayaa yimid maalin uun, kadib markii ay Itoobiya si rasmi ah xariga uga jartay biyo-xireenka ugu weyn Qaaradda Afrika ee koronto laga dhaliyo ee Nile, kaas oo sare usii qaaday xiisadda kala dhexeysay Masar oo ay muddo isku hayaan arrinta wabiga Nile-ka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka qayb-galay furitaanka biyo xireenka Nile ayaa sare u qaadaya xiriirka diblumaasiyadeed ee Itoobiya, xilli ay taagan tahay xiisadda gobolka Gedo, oo uu rabo inay Itoobiyaanka ka gacan siiyaan.







