27.7 C
Mogadishu
Sunday, April 26, 2026

Kadib biyo-xireenka, Itoobiya oo u dhaqaaqaysa mashruuc…

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay bilaabi doonto warshaddeedii ugu horreysay ee tamarta nukliyeerka.

Mashruucan ayuu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ku tilmaamay mid beddeli kara kaalinta biyo-xireenka weyn ee Abbay wabiga Nile-ka, oo ku kacay in ka badan $4 bilyan.

Sidoo kale, Abiy ayaa soo bandhigay qorshe dhisme oo ku saabsan garoon diyaaradeed oo ay yeelan doonto shirkadda Ethiopian Airlines, kaas oo loogu talagalay in uu noqdo midka ugu ballaaran qaaradda Afrika, islamarkaana jebiya rikooro cusub oo dhinaca duulimaadyada ah.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu intaas ku daray in dhowaan hawlgelin la bilaabi doono warshaddii ugu horreysay ee gaaska dabiiciga ah, iyadoo isla maalintaas shaqo bilaabi doonta warshad casri ah oo gaas farsameysa, kana tayo roon warshadihii hore.

Waxa kale oo qorshaha ku jira warshad shidaal sifeysa, taas oo Itoobiya u horseedi doonta xaqiijinta riyadii muddada dheer laga lahaa soo saarista shidaalka gudaha.

Intaasi waxaa dheer, Abiy ayaa ballanqaaday in shanta ilaa lixda sano ee soo socda dalka laga hirgelin doono ugu yaraan 1.5 milyan oo guri, iyadoo la fulin doono mashaariic waaweyn oo wax tar u leh bulshada, gaar ahaan carruurta Afrika. Mashaariicdan ayaa lagu maalgelin doonaa in ka badan $30 bilyan.

Hadallada Ra’iisul Wasaaraha ayaa u muuqda kuwo daaha ka rogaya himilada Itoobiya ee ku aaddan kala-duwanaanshaha tamarta, xoojinta warshadaha, iyo ballaarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyadoo dalalka kale ee gobolka ay weli ka feejigan yihiin hamiga Itoobiya ee dhinaca horumarka iyo marin u helidda bad.

- Advertisement -

Read more

Local News