Sanca (Caasimada Online) – Israel ayaa weerar ku qaaday magaalada Sanca ee caasimadda Yemen iyo sidoo kale gobolka al-Jawf, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan sagaal qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen weerarkan, halka in ka badan 118 kalena ay ku dhaawacmeen.
Duqeymaha diyaaradaha dagaalka Israel ayaa sidoo kale burbur xooggan ka geystay gudaha caasimadda Yemen.
Wararka ayaa sheegaya in tirada dhimashada iyo dhaawacyada ay kordhi karto, maadaama dhaawacyo culus la dhigay isbitaallada, halka kooxaha gurmadkuna ay weli ku mashquulsan yihiin daadgureynta dadka ku hoos xayiran dhismayaasha burburay.
Wasaaradda Caafimaadka Yemen ayaa sheegtay in xaaladdu tahay mid halis ah, iyadoo laga cabsi qabo in khasaaraha bani’aadamka iyo burburka ka dhashay duqeymaha uu sii kordho saacadaha soo socda.
Weerarradan ayaa dhacay saacado kadib markii Israel ay bartilmaameedsatay hoggaamiyeyaal ka tirsan Xamaas oo ku sugnaa magaalada Doha ee caasimadda Qatar, taas oo caro xooggan iyo cambaareyn ka dhalisay waddamada Carabta.
Illaa iyo hadda lama hayo faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka ay Israel ku qaaday Yemen.
Weerarkii kan ka horreeyay ee Doha ayaa waxay Israel ku dishay shan ka mid ah xubnaha Xamaas, inkastoo kooxdeeda ugu muhiimsan ee wada-xaajoodka ay badbaadeen, sida ay sheegtay Xamaas.
Dadka dhintay waxaa ku jiray sarkaal ka tirsan ciidanka ammaanka Qatar, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaas.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa ku tilmaantay weerarka Israel mid “fulaynimo ah,” iyadoo cambaareysay “tallaabo kasta oo lagu beegsanayo amnigeeda iyo madax-bannaanideeda.”

