Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galankii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Madaxweynaha oo maalmahaan ku maqnaa safar shaqo oo uu ku tagey dalka Itoobiya ayaa sameeyay arrin taariikhi ah kadib markii uu safarkan u qaatay diyaarad ay sumadeedu tahay SOM001. Diyaaraddan ayaa ka diiwaangashan dalkeenna.
35 sanno muddo laga joogo ayaa ugu dambeysay in madaxweyne Soomaaliyeed uu safar dibadda ah u qaato diyaarad jet ah oo ka diiwaangashan Soomaaliya, iyadoo Xasan Sheekh uu noqonayo madaxweynihii ugu horreeyay ee ku guuleystay, sida ay sheegtay dowladda.
“Diyaaradda waa diyuurad Soomaaliyeed, oo pilot-keedu Soomaali yihiin, laysamada ay wataanna Soomaali yihiin, marka 100% waa Soomaali iyo madaxweynihii Soomaaliya, waana madaxweynihii u horreeyay ee ku duula duyuurad ka diiwaangashan waddanka Soomaaliya 35 sanno kadib,” ayuu yiri Maareeyaha hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Xasan.
Waxa uu intaas kusii daray: “Soomaaliya maanta waxay u tahay guul weyn oo ay gaartay, in Soomaaliya 001 ay madaxweynihii dalka safar dibadda ah u qaado soona celiso, marka waa guul weyn.”
Si kastaba, safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Itoobiya ayaa dhaliyay hadal-hayn xooggan, kadib markii uu ka qeyb-galay munaasabada lagu daahfuray biyo-xireenka wabiga Nile, kaas oo si weyn uga soo horjeedo Masar oo saaxiib la ah Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata inay isku dayeyso raali-gelinta Itoobiya, xilli ay billo kooban ka harsan tahay muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh, oo wajahaya xiisado siyaasadeed oo gudaha ah. Waxaana tallaabadan loo arkaa mid ay garab milatari uga rabto Addis Ababa, maadaama ay ciidankeedu saameyn ku leeyihiin gobolka Gedo oo dowladda dhexe ay isku hayaan maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe.

