Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ku xiray askar iyo saraakiil ciidan oo ka yimid dhanka buuraha Calmiskaad oo ay haatan ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Daacish.
Askarta iyo saraakiisha gudaha u galay Garoowe ee la qabtay ayaa lagu eedeeyay inay hub kala soo goosteen furimaha hore, isla markaana la qabtay iyaga oo baxsad ah.
Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa Caasimada Online u sheegay in haatan baaris lagu hayo ragga lasoo xiray, waxaana sidoo kale lagu wadaa in la horgeeyo cadaaladda.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada la xiray ay ahaayeen ciidan aan si rasmi ah uga tirsanayn kuwa difaaca Puntland, balse ay ka yimaadeen dhinaca beelaha, waxaana hoggaaminayay sarkaal hore uga tirsanaa jiray ciidamada daraawiishta ee maamulkaasi.
Soo qabashada askartan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhawaan hub badan laga qaatay kooxda Daacish, maadaama laga saaray dhul ballaran oo ku yaalla aagga Calmiskaad, iyada oo horay ay Puntland uga digtay in hubkaas uu galo gacan ka baxsan hay’adaheeda.
Waxaa sidoo kale jirtay eedeyn uu dhawaan jeediyay taliyaha qaybta booliska gobolka Bari, kaas oo sheegay in ciidamada beelaha ee dagaalka ku jira ay mararka qaar dhibaatooyin ka gaystaan halkasi, ayna isbaarooyin soo dhigtaan waddooyinka, hubkana ay la tagaan.
Si kastaba, Puntland ayaa xooga saartay dagaalka Daacish, waxaana haatan gabagabo maraya howlgalka Hilaac ee ka socda buuraha hoostooda ee gobolka Bari ee maamulkaasi.

