29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

MURUGO: Nin si arxan darro ah u dilay xaaskiisa oo u dhashay 7 carruur ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Gadogob (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dhacdo argagax leh ay ka dhacay gudaha degmada Galdogob, kadib markii nin hubeysan uu dilay xaaskiisa oo u dhashay todoba carruur ah.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Faarax Xasan Aadan ayaa loo haystaa dilka xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Samsam Maxamed Xaashi, sida uu shaaciyay taliska booliska gobolka Mudug ee maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in sababta uu ninkan u dilay xaaskiisa ay ahayd muran qoys oo soo kala dhex-galay, kadibna uu sidaas ku toogtay.

Taliska oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in haatan lasoo xiray eedeysanaha, isla markaana ay wadaan baaritaanno dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi.

Sidoo kale wuxuu talisku intaasi kusii daray in eedeysanaha ay ku wareejin doonaan hay’adaha ku shaqada leh, si deg -deg maxkamad loo soo taago.

“Ciidanka Booliska Gobalka Mudug gaar ahaan Saldhigga Booliska degmada goldogob ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane Faarax Xasan Aadan oo ku eedaysan dilka Marxuumad Samsam Maxamed Xaashi oo ahayd xaaskiisa” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska

Waxaa kale oo lasoo raaciyay “Waxaa la horgeyndoonaa Maxakamadda Awooda uleh” ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska”

Eehellada marxuumadda ayaa dhankooda dalbanaya cadaalad, maadaama gabadhooda uu dilay seygeeda, kaas oo ugu dambeyn lasoo qabtay.

Falkan argagaxa leh ayaa naxtin ku abuuray dadka deegaanka oo hadal haya dhacdadan xanuunka badan, maadaama maxuumadda uu dilay ninkii ay u dhashay 7 carruurta ah.

- Advertisement -

Read more

Local News