Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur (Shuute) oo la hadlayay ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka sheekeeyay qisada sarkaal ka tirsanaa ciidanka dowladda oo mar dambe lasoo xiray, isagoo si hoose ula shaqeynayay kooxda Al-Shabaab.
Shuute ayaa sheegay in uu wareystay marka lasoo xiray sarkaalka oo xilligaas ku sugnaa furimaha hore, gaar ahaan aagga gobolka Galgaduud, waxaana uu tilmaamay inuu u sheegay in 7 sano uu la shaqeynayay kooxaha Khawaarijta ee dagaalka lagula jiro.
“Wuxuu igu yiri markii aan wareystay todoba sano nimankaas waa la shaqeynaayay waxaase iigu darneyd saddexdii sano ee lasoo dhaafay oo aan aad ul ashaqeeyay ayuu igu dhahay” ayuu yiri Shuute oo u khudbeynayay saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka.
Waxaa kale oo igu yiri “Maalin ayaa aniga oo la fadhiyo taliyaha guutada ayaa nimankii aan la shaqeynayay isoo waceen taleefankeyga qaatay meel ilaa 10 mitir u jirta ayaan istaagay iyagaa la hadlaayay wiil yar oo askarta kamid ah ee taliyaha ilaaladiisa ayaa gadaal iiga yimid iguna yiri Shabaab ayaa tahay ee dhig taleefanka kadibna taliyihii guutada oo kor ka arkaayay ayaa wuxuu ku amray inuu qorayga hoos u dhigo, sidaas ayaana ku badbaaday maalintaas”.
Sidoo kale, wuxuu Shuute hoosta ka xariiqay halkii la rabay in la qaato warka askariga ee ka shakiyay sarkaalka la shaqeynayay Al-Shabaab aan la dhageysan, taasi beddelkeedana uu canaan kala dul dhacay taliyihiisii oo ugu dambeyn ka qaaday qorayga.
“Intaas kadib taliyihii guutada ayaa askarigii ka qaaday qorayga, kadibna dharbaaxo ku dhuftay, halkii ay ahayd inuu baaro sarkaalka, kana qaado taleefanka” ayuu mar kale.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada ayaa ugu dmabeyn dardaarn culus u jeediyay saraakiisha, wuxuuna faray inay dhageystaan askarta shaqada ku jirta, si ay u helaan xogta ay hayaan, loogana hortago dhagarta cadowga.
“Waxaa la rabaa in markasta sarkaalka dareenkiisa joogo, sideedaba nabad awood laguma keeno ee xogta aad heleyso ayaa lagu keenaa, xogtana inaa hesho waxaa ka horreeya inaad dareen leedahay oo hareerahaaga aad ogaan karto” ayuu sii raaciyay Shuute.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay usoo xirtay askar iyo saraakiil lagu helay inay gacan saar la leeyihiin argagixisada, waxaana qaarkood lagu xukumay toogasho, kuwa kalena xabsi dheer.

