27.8 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

Sidee looga fal-celiyay khilaafka diblomaasiyadeed ee danjire Jabriil iyo Ilyaas?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xooggan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay khilaafka diblomaasiyadeed ee haatan soo kala dhex-galay safiirrada Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tanzania, kaasi oo ay ka dhex-qarxday xiisad culus oo maanta bannaanka u soo baxday.

Xiisaddan ayaa timid kadib markii safiirka Soomaaliya ee Nairobi, Jabriil Ibraahim Cabdulle, iyo safiirka Soomaaliya ee Dar es Salaam, Ilyaas Cali Xasan, ay isku qabsadeen kiis xasaasi ah oo la xiriira wafdi ganacsato ah oo uu Danjire Jabriil geeyay magaalada Kinshasa ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC), halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, wafdigaasi wuxuu daba socday kulamo muddo sanad ah u socday safaaradda DRC Congo ee dalka Kenya iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Nairobi, iyaga oo kaashanaya safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

“Haddaba Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya iyo safaaradda dalka DRC Congo ee dalka Kenya ayaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay safarkan isugu jira xog-wareysi, fududeynta ganacsiga dadka Soomaaliyeed iyo dhiirrigelinta fursadaha ganacsi oo ay ka faa’iidi karaan ganacsatada Soomaaliyeed. Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa horay ugu guuleysatay inay xabsiga ka soo deyso ganacsato Soomaaliyeed oo lagu xiray dalka DRC Congo,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

Intaas kadib, waxaa qoraal xasaasi ah oo ka dhan ah tallaabada Danjire Jabriil soo saartay safaaradda Soomaaliya ee Dar es Salaam, taas oo ka hortimid safarkiisa DRC Congo, iyadoo sheegtay in iyadu ay mas’uul uga tahay Soomaaliya danaha dalkaasi.

Waxay sidoo kale sheegtay in safiirka Soomaaliya ee Kenya aanu kusoo wargelin safarkiisa, sidaas darteedna ay tallaabadiisu ka baxsan tahay sharciga diblomaasiyadda iyo habraacyada wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.

“Safaaradda JFS u qaabilsan dalka Tanzania waxay caddeyneysaa in Congo DRC ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada mas’uul uga tahay danaha dowladda iyo shacabka. Safarka la sheegay in safiirka Kenya uu hoggaaminayay wafdi ka kooban ganacsato Kenyan iyo Soomaali ah oo ku tegay Kinshasa, haba yaraatee safaaradda laguma wargelin xogtiisa iyo ujeeddadiisa, taas oo ah mid ka baxsan sharciga diblomaasiyadda iyo kan Wasaaradda Arrimaha Dibadda,” ayaa lagu yiri bayaanka safaaradda Dar es Salaam.

Haddaba sidee looga falceliyay khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo Ilyaas Cali Xasan?

Maxamed Fuaad: “Saaka ma safiirradii bay ka dhex taagan tahay? Horta Soomaali yaa isku ballamiyay laba dabakaayo oo meel wada deggan, way is hayaan iskaba daa siyaasadee.”

Cabdulqaadir Xasan: “Xoqtaan aad baraha bulshada la wadaageysaan sow kuma habboona cidda ay quseyso inaad la wadaagtaan?”

Zakariye Sheekh Xuseen: “Dowladnimada iyo diblomaasiyadda maxaa lagu ciyaaray? Adiga maxaa kaa quseeya DRC Congo, safiirkii u qaabilsanaa aaway?”

Daahir Cali: “Ceeb ayay idinku tahay inaad qoraal noocan oo kale ah kusoo qortaan bogga safaaradda. Waa aqoon la’aanta idinka heysata diblomaasiyadda. Habraacyo loo maro ayaa jira dacwadaha safaaradaha, wakiillada adduunka iyo qof kasta oo ku xadgudba sharafta dowladnimada oo ay safaaradda dalkaas joogta wakiil ka tahay.”

- Advertisement -

Read more

Local News