Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga XFS Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qayb-galay munaasabad ay dowladda Boqortooyada Ingiriiska ku wareejinaysay gaadiid iyo qalab casri ah oo loogu tala-galay ka hortagga walxaha qarxa ee la farsameeyo (C-IED).
Qalabkan ayaa si rasmi ah waxaa maanta loo guddoonsiiyay Ururka Sancada ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Munaasabadaan waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage.
Qalabkaan iyo gaadiidka ayaa waxaa gudoonsiiyay masuuliyintaan Safiirka Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire Charles King.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in qalabkan cusub uu ka tarjumayo taageerada joogtada ah ee Boqortooyada Ingiriiska ay la garab taagan tahay horumarinta awoodda iyo xirfadaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxa uu carrabka ku adkeeyay in qalabkani si weyn u kordhin doono badqabka iyo hufnaanta howl-gallada lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada ee sida: Al-Shabaab.
Wasiir Fiqi ayaa uga mahad-celiyay Dowladda Boqortooyada Ingiriiska taageerada istiraatiijiga ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashigan uu laf-dhabar u yahay dadaallada lagu xaqiijinayo nabad, xasillooni iyo mustaqbal waara oo ay Soomaaliya ku tallaabsato.












