Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag ugu digtay goobaha caafimaadka, gaar ahaan isbitaallada iyo farmashiyeyaasha, in ay si qaldan uga ganacsadaan daawooyinka loo adeegsado maandooriyaha.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji, oo digniintan u diray xarumaha caafimaad ee Muqdisho ayaa sidoo kale caddeeyay in aanay Wasaarad ahaan mamnuuci karin daawooyinka loo adeegsado sifo qaldan, maadaama ay jiraan dad Soomaaliyeed oo u baahan in loo isticmaalo daawo ahaan.
Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu xoogga saarayso la socodka daawooyinka si qaldan loogu adeegsado qaab maandooriye ah, si looga hortago halista ka dhalan karta, iyadoo si dhow loola soconayo goobaha lagu iibiyo iyo habka iibkooda.
“In la xakameeyo oo suuqa laga waayo dabcan waa adag tahay, sababtoo ah dalka xuduudihiisu way furan yihiin, muddo badanna way qaadanaysaa. Waxa aan rabnaa in aan tagno farmashiyeyaasha, ciddii lagu arko iyada oo si khaldan u iibinaysa, lagula xisaabtamo,” ayuu yiri Wasiir Dr. Cali Xaaji.
Wuxuu intaas ku daray: “Isbitaallada waxaa laga rabaa in ay keenaan warqadda isticmaalka, waana in ay dhaqaatiirtu saxiixaan, si aan looga iibin dadka si khaldan u adeegsanaya.”
Wasaaradda Caafimaadka ayaa wixii hadda ka dambeeya si toos ah ugala shaqayn doonta isbitaallada iyo goobaha kale ee caafimaadka sidii loo xaddidi lahaa isticmaalka iyo iibinta daawooyinka loo adeegsanayo maandooriyaha.
Si kastaba ha ahaatee, daawooyin u badan kuwa loo isticmaalo xanuunnada qaarkood ayaa muddooyinkii dambe si khaldan u adeegsanayay dad qabatimay, kuwaas oo u isticmaala qaab maandooriye ah.
Noocyada daawooyinkaas ayaa isugu jira cirbado, kaniiniyo iyo dawooyin kale, waxaana dadka si khaldan u adeegsada ay la kulmaan dhibaatooyin caafimaad oo halis ah.

