Salta Lake City (Caasimada Online) – Nin dhallinyaro ah oo ka soo jeeda gobolka Utah, kaasoo looga shakisan yahay inuu dilay u dhaq-dhaqaaqihii kooxaha garabka midig Charlie Kirk, ayaa Jimcihii gacanta lagu dhigay, sida uu weriyeyaasha u sheegay barasaabka Utah, Spencer Cox.
“Waan soo qabanay,” ayuu Cox u sheegay suxufiyiinta.
Eedeysanaha, oo lagu magacaabo Tyler Robinson, ayaa saaxiib qoyskooda ah u qirtay falka—ama “si dadban ugu sheegay inuu dilka gaystay”—saaxiibkaas oo markaas kadib la xiriiray xafiiska Sheriff-ka ee Washington County, maalintii Khamiista.
Mid ka mid ah xubnaha qoyskiisa oo ay waraysteen baarayaashu ayaa sheegay in Robinson uu dhowaanahan aad u galay arrimaha siyaasadda uuna si yasid ah uga hadli jiray Kirk, sida uu Cox weriyeyaasha u sheegay.
Robinson ayaa gacanta lagu soo dhigay habeenimadii Khamiista, qiyaastii 33 saacadood ka dib dilkii Kirk, sida uu shir jaraa’id ku sheegay Agaasimaha Hay’adda Dambi-baarista Mareykanka ee FBI-da, Kash Patel.
Kirk, oo xulufo dhow la ahaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa Arbacadii lagu dilay hal xabo oo rasaas ah isagoo khudbad ka jeedinayay masrax ku yaalla goob furan oo ka tirsan Jaamacadda Utah Valley (Utah Valley University).
Horay, baarayaasha Mareykanka waxay sheegeen inay heleen qoriga la aaminsan yahay in loo adeegsaday dilka Kirk, waxayna soo bandhigeen sawirrada qof tuhun laga qabo.
Baarayaashu waxay la hadleen nin ay isku guri ahaayeen Robinson, kaasoo tusiyay farriimo uu Robinson ku qoray barta Discord, oo ah bar wada-sheekaysi iyo baahin toos ah oo caan ku ah dadka cayaara game-ka.
Farriimahaas ayuu kaga hadlayay inuu qori ka soo qaadanayo goob loo sii dhigay ka dibna uu qoriga kaga tagayo duur isagoo shukumaan ku duubay. Tani waxay la mid ahayd tilmaamihii qoriga ay mas’uuliyiintu ka heleen aag dhir leh oo u dhow xarunta jaamacadda ka dib toogashadii.
Rasaastii laga helay goobta falku ka dhacay waxaa ku xardhanaa qoraallo, sida uu sheegay Cox. Farriimaha ku qornaa qolofka rasaasta waxaa ka mid ahaa: “Maxaa waaye kan;” “Oh, Bella Ciao, Bella Ciao, Bella Ciao, Ciao;” “Haddii aad tan aqriso, khaniis baad tahay, LMAO;” iyo “Hay fashiiste, iska qabo tan!,” ayuu Cox u sheegay weriyeyaasha.
Kirk, oo ahaa dhaqdhaqaaqe xiriiro ballaaran lahaa, qoraa, iyo soo-jeediye barnaamijyada ‘podcast’-ka, wuxuu gacan weyn ka geystay sidii Trump iyo Xisbiga Jamhuuriga ay taageero uga heli lahaayeen cod-bixiyayaasha da’da yar.
Kirk wuxuu ahaa aasaasihii iyo madaxweynihii ururka ardayda muxaafidka ah ee Turning Point USA, wuxuuna Arbacadii ka soo muuqday Jaamacadda Utah Valley isagoo qayb ka ahaa socdaal qorsheysnaa oo 15 kulan ka koobnaa, looguna magac daray “American Comeback Tour,” kaasoo uu ku marayay jaamacadaha Mareykanka.
Dilkiisa ayaa kiciyay carro weyn iyo cambaarayn ka dhan ah rabshadaha siyaasadeed, taasoo ka timid Dimoqraadiyiinta, Jamhuuriyiinta, iyo dawladaha shisheeye.

