Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kaasi oo uu ku tilmaamay mid muujinaya dhamaadka Al-Shabaab.
Qoor-Qoor ayaa bogaadiyay ciidamada xoogga dalka iyo halyeeyada deegaanka degmada oo ayagu si naf-hurnimo ah iskaga difaacay weerarkii naf la caariga ahaa ee argagixisada, sida lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Galmudug.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in khasaaraha xooggan ee ciidanka xoogga iyo geesiyaasha deegaanka ay gaarsiiyeen xubnihii soo weeray ay muujinayso sida shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in si geesinimo iyo nafhurnimo leh iskaga dulqaadaan dhibaatoada kooxdani ku hayso.
“Xoogga dalka iyo reer Ceeldheer, waxaad saaka cashar lama ilaawaan ah u dhigteem argagixisada idin soo weerartay. Waxaad dirteen fariin xambaarsan geesinimo oo muujinaysa in ay gabaabsi marayaan maalmaihii argagixisda ku dhuumaaleysanayeen gudaha dalkeenna, si ay u dhibaatayayaan dadkeenna sharafta badan,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:
Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku bogaadiyey Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Halyeeyada deegaanka Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, sida naf-hurnimada leh iyo geesinimada leh ee ay isaga difaaceen maleeshiyada kooxda Khawaarijta naf-caariiga ah ee saaka weerarkii la fashiliyay ku soo qaaday degmadaasi.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in khasaaraha xooggan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Halyeeyada deegaanka ay gaarsiiyen Argagixisada soo weerartay ay muujinayso sida Shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in si geesinimo iyo nafhurnimo leh iskaga dulqaadaan dhibaatoada kooxdani ku hayso.
“Xoogga dalka iyo reer Ceeldheer, waxaad saaka cashar lama ilaawaan ah u dhigteem Argagixisada idin soo weerartay. Waxaad dirteen fariin xambaarsan geesinimo oo muujinaysa in ay gabaabsi marayaan maalmaihii argagixisda ku dhuumaaleysanayeen gudaha dalkeenna, si ay u dhibaatayayaan dadkeenna sharafta badan.”
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa bogaadiyey dhammaan colalka kala duwan ee hawlgalkii saakay fuliay wuxuuna Alle Jannatul Firdowsa uga baryey Halyeeyadii ku shahiiday weerarkan iyagoo difaacaya dhulkooda iyo dadkooda, sidoo kalena waxa uu caafimaad degdeg ah u rajeeyey dhaawacyada iyo dadka deegaanka ee ay waxyeeladu soo gaartay.

