28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Mucaaradka oo baaq culus soo saaray kadib dagaalka CEELDHEER

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si weyn u bogaadiyay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa difaaca shacabka ee maanta ka hortagay weerarka kooxda Al-Shabaab ay kusoo qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu baaqay shacabka inay garab iyo gaashaan u noqdaan ciidanka qaranka iyo xoogaga difaaca shacabka.

Xubnahan mucaaradka ayaa madaxda dowladda u soo jeediyay in ahmiyadda koowaad ka dhigto la-dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee caadeystay daadinta dhiiga ummadda Soomaaliyeed.

“Geesiyaasha xoogga Dalka iyo kuwa difaaca shacabka waxay guteen waajibkooda, waxayna mudan-yihiin garab-istaag dhab ah iyo in mar walba laga war hayo daryeelkooda, maadama ay naftooda u hurayaan difaaca dalka iyo dadka,” ayuu yiri Shariif oo sidoo kale ka tacsiyeeyay geesiyaasha ku shahiiday weerarka saakay, halka kuwa dhaawacmay u rajeeyay soo kabasho deg-deg ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna si gaar ah uga tacsiyeeyay Kabtan Cabdi Daahir Xirsi oo ku shahiiday dagaalkii maanta. “Allaha u naxariisto dhammaan ciidankii goobta ku shahiiday, inta dhaawac ahna Allaha u boogadhayo, waxaan si gaar ah ugu tacsiyaynayaa ehelka iyo asxaabta taliye urur Kabtan Cabdi Daahir.”

Kheyre ayaa isna yiri “Argagaxisadu waa caqabadda iyo cadawga ugu weyn ee maanta hortaagan nabadda, xasilloonida, iyo horumarka Soomaaliya.”

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda dowladda in mudnaanta koowaad la siiyo ciribtirka argagaxisada arxanka daran ee khatarta ku ah horumarka dalka, dadka, iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Dagaalka Ceeldheer oo markii hore ku bilowday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa waxay ciidamada isgarabsanaya kala hortageen difaac adag, iyadoo jab culus gaarsiiyeen cadawga.

Dagaalkaasi oo socday muddo saacad ah, waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kuwaas oo loo geystay xubnaha weerarka soo qaaday, iyadoo la soo bandhigay muuqaallo meydad oo ay halkaasi uga carareen Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News