Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha dagaalkii maanta ka dhacay degmada Ceeldheer ayaa shaaciyay in khasaare baaxad la gaarsiiyay kooxdii weerarka soo qaaday.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dagaal-yahaannada Al-Shabaab laga dilay 60 xubnood, halka dhaawaca uu gaaray 50 kale, kuwaas oo ay ku jireen labadii horjooge ee dagaalka Ceeldheer hoggaaminayay.
“Khasaaraha dagaalka kusoo gaaray kooxda Khawaarijta, qiyaastii meydadka hadda la hayo waa soddomeeyo, laakiin waxay qaateen oo la hubaa maydad kale iyo dhaawacyo kale, illaa 60 ayuu gaaraya khasaarahooda dhimashada, dhaawacoodana illaa 50 ayuu kor u dhaafay,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Wasiirka ayaa xaqiijiyay in ciidanku ay fashiliyeen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la rabay in lagu fuliyo weerarka ay iska caabiyeen ciidanka xoogga dalka oo garab ka helay kuwa deegaanka.
“Waxaa Ilaahay fadligiis ah in la fashiliyay gaari qarax ah oo ciidanku isla markiiba inta uu goobta soo gaarin ay meeshaas ku qarxiyeen, oo wax khasaare ahna ciidankeenna kusoo gaarin,” ayuu yiri Fiqi.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale shaaciyay in dagaalkii maanta ay qeyb ka ahaayeen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka, kuwaas oo illaa saddex duqeyn ku beegsaday maleeshiyaadkii soo weeraray Ceeldheer.
Intii lagu guda jiray dagaalka, 6 askari oo ka tirsan geesiyaasha ciidanka xoogga dalka ayaa shahiiday, halka 14 kale ay dhaawacyo fudud soo gaareen iyagoo difaacaya shacabka iyo qaranka, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay wadaan howl-gallo qorshaysan oo lagu baacsanayo firxadka xubnaha Shabaab, si loo ciribtirto kooxaha ku dhuumaaleysanaya nawaaxiga degmada Ceeldheer.
Hoos ka daawo muuqaalka

