30.9 C
Mogadishu
Saturday, May 23, 2026

DF oo ku dhawaaqday goorta lasoo dooranayo guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar aqoon kororsi ah oo loo qabanayo Xildhibaannada Golaha Deegaanka degmooyinka Gobolka Banaadir, isaga oo ku dhawaaqay goorta kama dambeysta ah ee lasoo dooranayo guddoomiyeyaasha degmooyinka.

Tababarka loo furay xubnaha Goleyaasha Deegaanka ayaa diiradda saarayo sare u qaadidda karaanka hoggaamineed, ku shaqaynta qaanuunka, maamulka dowladaha hoose iyo dardargelinta adeegyada bulshada.

Munaasabadda furitaanka tababarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, khubarro dhinaca dowladaha hoose ah iyo xubno ka socda hay’adaha taageera geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo jeediyay khudbadda furitaanka yaa sheegay in tababarkani uu qayb ka yahay qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo nidaamka dowladaha hoose iyo dhismaha hay’adaha dimuqraadiga ah, isagoo tilmaamay in xildhibaannada goleyaasha deegaanka ay laf-dhabar u yihiin horumarinta adeegyada aas-aasiga ah iyo matalaadda shacabka heer deegaan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan wixii ka dambeeya ay si toos ah u howlgeli doonaan, isla markaana Ciida kadib ay soo dooran doonaan guddoomiyeyaasha degmooyinka oo ku imaan doono qof iyo cod.

“Ciida ka dib, xubnaha Golihiinna Deegaanka waxay dooran doonaan guddoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir,” ayuu yiri Wasiirku

Dhankiisa Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo isna hadal-jeedin sameeyay ayaa ku ammaanay xildhibaannada Golaha Deegaanka dadaalka iyo juhdiga ay u soo galeen sidii ay shacabka kalsoonidooda uga heli lahaayeen, isagoo xusay in guul weyn ay tahay in ay matalaan axsaab siyaasadeed oo ka qayb galay doorasho qof iyo cod ah.

“Waxaa la idiinkaga fadhiyaa inaad noqotaan jiil cusub oo wax ku kordhiya isla-xisaabtanka, adeegga bulsho iyo dowladnimada ku dhisan sharci iyo hufnaan,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Tababarkan ayaa guud mari doono: Habraacyada sharciyeed ee Goleyaasha Deegaanka, maamulka iyo maareynta adeegyada bulshada, Isla-xisaabtanka iyo maamul wanaagga, Hannaanka dejinta xeer-hoosaadyada golayaasha deegaanka iyo Xoojinta wada shaqeynta bulshada iyo dowladda hoose.

Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo ka kooban 390 xildhibaan, kuwaas oo laga soo doortay 16 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, ayaa ka dhashay Doorashadii Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ee dhacday 25-kii Diseembar 2025, tallaabadaas oo ahayd mid taariikhi ah oo dib loogu soo noolaynayo nidaamka dowladaha hoose iyo hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo heer deegaan ah.

- Advertisement -

Read more

Local News