Ankara (Caasimada Online) – Sida ay ku warrameen ilo xog-ogaal ah, dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa inay wafdi heerkiisu sareeyo u dirto magaalada Muqdisho marka laga soo laabto fasaxa Ciidul Adxaa.
Turkiga ayaa doonaya inuu qaato door dhex-dhexaad ah, sida ay sheegayaan ilo diblomaasiyadeed oo la hadlay Caasimada Online. Doorka Ankara ayaa noqon doona sidii xal la isla oggol yahay looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira, kaas oo ka dhashay arrimaha doorashada iyo dhismaha dowlad cusub.
Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa xoojiyay dadaallada diblomaasiyadeed toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay qaab-dhismeedka doorashada Soomaaliya iyo isbeddellada dastuuriga ah.
Kulamo arrimahan ku saabsan oo dhexmaray mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, hay’adaha sirdoonka Turkiga iyo xubno ka tirsan mucaaradka ayaa lagu soo warramayaa in mucaaradka loogu xaqiijiyay in Turkigu uusan si gaar ah u taageereyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, balse uu doonayo in la taageero heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa, markii ay fashilmeen wada-hadalladii uu kula jiray Golaha Mustaqbalka, kulamo xasaasi ah la yeeshay safiirka Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho, Alper Aktaş.
Labada dhinac ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Hase yeeshee, kooxaha mucaaradka ayaa kulankaas u arkayay mid muujinaya in Turkigu Xasan Sheekh ku taageerayo inuu xilka sii hayo, iyadoo aan weli heshiis laga gaarin doorasho dalka ka dhacda.
Kulankan ayaa sidoo kale loo arkay dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo uu Madaxweynuhu ku muujinayay la macaamilkiisa saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya, xilli uu dhaqan-galay muddo-kordhinta halka sano ah ee uu hore ugu dhawaaqay.
Dadaallada cusub ee Turkiga ayaa loo arkaa calaamad muujineysa in Ankara ay ka walaacsan tahay kala qeybsanaanta siyaasadeed ee sii kordheysa, taas oo sare u qaadaysa cabsida laga qabo daciifnimo ku timaadda maamulka dowladeed.
Mas’uuliyiin siyaasadeed ayaa muddooyinkii dambe dowladda Turkiga ku eedeynayay inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa su’aal ka keenay doorka Ankara ee siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna ku eedeeyay inay gacan ka geysatay khilaafaadka siyaasadeed ee la xiriiray isbeddelkii ka dhacay maamulka Koonfur Galbeed.
Turkiga ayaa ah saaxiibka koowaad ee Soomaaliya, wuxuuna taageero mug leh ka geystaa arrimaha amniga, dhisidda ciidamo tayo leh, bixinta iyo kabidda miisaaniyadda dowladda, iyo sidoo kale kor u qaadista kaabayaasha dhaqaale sida dekedda Muqdisho, garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo dhinaca caafimaadka.

