Ceeldheer (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saaka wada howlgal ay ku aruurinayaan meydadka maleeshiyaadkii Khawaarijta ee shalay lagu laayay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kadib dagaal ka dhacay halkaasi.
Ciidamada ayaa saaka isku fidiyay qaybo badan oo kamid ah magaalada iyo daafaheeda, waxayna nadiifinayaan maydadka xubnaha la laayay, si loo aaso.
Sawirro ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa muujinayo maydad badan oo ay ciidamadu isugu geeyeen hal goob, isla markaana qorshuhu yahay in la asturo.
Waxaa sidoo kale ciidamada ay wadaan howlgallo amni xaqiijin ah oo ku aadan xaaladda degmada, si ay uga hortagaan weerar ay mar kale soo qaadaan maleeshiyada Khawaarijta.
Khasaaraha dhimashada ee kooxda Al-Shabaab ayaa gaaray illaa 60 xubnood, halka ay dhaawacmeen 50 kale, sida uu shaaciyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha dagaalkii shalay ka dhacay Ceeldheer.
“Khasaaraha dagaalka kusoo gaaray kooxda Khawaarijta, qiyaastii meydadka hadda la hayo waa soddomeeyo, laakiin waxay qaateen oo la hubaa maydad kale iyo dhaawacyo kale, illaa 60 ayuu gaaraya khasaarahooda dhimashada, dhaawacoodana illaa 50 ayuu kor u dhaafay,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidanku ay fashiliyeen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la rabay in lagu fuliyo weerarka ay iska caabiyeen ciidanka xoogga dalka oo garab ka helay kuwa deegaanka.
“Waxaa Ilaahay fadligiis ah in la fashiliyay gaari qarax ah oo ciidanku isla markiiba inta uu goobta soo gaarin ay meeshaas ku qarxiyeen, oo wax khasaare ahna ciidankeenna kusoo gaarin,” ayuu yiri Fiqi.
Sidoo kale intii lagu guda jiray dagaalka, 6 askari oo ka tirsan geesiyaasha ciidanka xoogga dalka ayaa shahiiday, halka 14 kale ay dhaawacyo fudud soo gaareen iyagoo difaacaya shacabka iyo qaranka, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana guusha ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka boggaadiyay madaxda dowladda, kuwa mucaaradka iyo shacabka.

