Muqdish0 (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa haatan qaaday tallaabo culus oo la xiriirta khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhex-qarxay safiirrada Soomaaliya ee waddamada Kenya iyo Tanzania, kuwaas oo isku qabsaday kiis xasaasi ah.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay) ayaa u yeeray safiirka Soomaaliya ee Nairobi Jabriil Ibraahim Cabdulle, kaas oo isla maanta kasoo dagay magaalafa Muqdisho, si wax looga waydiiyo xiisadda taagan.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in Dajire Jabriil Ibraahim Cabdulle si gaar ah wax looga waydiin doono safiirkiisii magaalada Kinshasa ee dalka DRC Congo, halkaas oo uu geeyay ganacsato Soomaaliyeed oo ka kala timid meel kala duwan, taas oo keentay in ay ka hortimaado safaaradda Dar es Salaam oo sheegtay in iyadu ay wakiil ka tahay DRC Congo.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in wasaaraddu ay laba safaaraood gaarsiisay qoraal ay ku muujineyso in la joojiyo hadallada xanafta leh ee ay isku marinayaan warbaahinta iyo baraha bulshada, iyada oo sidoo kale amartay in xaka laga sugo dhankeeda.
Dhanka kale, safiirka Soomaaliya ee Tanzania Ilyaas Cali Xasan ayaa isaguna haatan ku sugan Muqdisho, waxaa isna wax laga waydiin doono dagaalka diblomaasiyee ee kala dhexeeya dhiggiisa dalka kenya, kaas oo bannaanka usoo baxay todobaadkii hore.
Sida qorshuhu yahay go’aanka rasmi ah ee dagaalka labada safaaradood ayaa waxaa laga sugayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS, si loo afjaro xiisadda labada danjire oo keentay in baraha bulshada ay isku dhaafsadaan hadallada kul-kulul oo hadane xanaf leh.
Si kastaba ha’ahaatee dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo (DRC) waxaa haatanku sugan ganacsato Soomaali ah oo ka kala yimid meelo kala duwan, waxaana hoggaaminaya safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jibriil Ibraahim Cabdulle, iyada oo ujeedkooda lagu sheegay inay soo qiimeynayaan fusadaha ganacsi ee ka jira halkaasi.

