28.4 C
Mogadishu
Thursday, January 15, 2026

SAALAX oo ka hadlay saddex qodob oo xasaasi ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac oo sareyso siiyay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan ammaanka, doorashooyinka iyo maalgashiga.

Saalax ayaa ugu horreyn soo hadal qaaday amniga dalka, gaar ahaan Muqdisho wuxuuna tilmaamay in haatan uu adag yahay, isla markaana laga gaaray guul wayn oo la taaban karo.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa xusay in guusha wayn ee laga gaaray amniga ay ku timid iskaashiga dowladda iyo shacabka, welina uu socdo, maadaama dagaal lagula jiro argagixisada.

“Amniga Muqdisho oo caasimadda dalka ah wuu hagaagsanyahay, weli waxaa jira caqabado inkasta oo ciidamada ammaanka ay dagaal kula jiraan kooxaha Argagixisada, Dadka Soomaaliyeed waxa ay dagaal kula jiraan koox kamid ah kooxaha dunida ugu khatarta badan,” ayuu yiri Saalax Axmed Jaamac oo la hadlayay Wakaaladda Anadolu Agency.

Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay dowladaha waa wayn ee garab siiya Soomaaliya, sida Maraykanka, Turkiga iyo Ururka Midowga Afrika oo ciidamo ka socda ay joogaan gudaha dalka, kuwaas oo dowladda federaalka ka caawiya dagaalka Al-Shabaab.

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, isaga oo sheegay in Dowladda Federaalka ay ku howlan tahay hirgelinta qof iyo cod, si dadweynaha ay usoo doortaan hoggaankooda looguna gudbo doorashooyinkii dadbanaa ee muddada dheer soo socday.

Jaamac ayaa sidoo kale xusay in xukuumaddu ay qaadi doonto tallaabo weliba oo lagu gaari karo rumaynta rajadaas, gaar ahaan qabsoomidda doorashooyin xalaal ah.

Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday horumarka ganacsiga iyo fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, isaga oo xaqiijiyay in guullo waa wayn oo dhankaas ah la gaaray, ganacsato iyo ajaaniib badana ay kusoo hirteen Soomaaliya.

“Haddii aadan lahayn Hay’ado sal adag waxaa adkaanaya soo jiidashada Ajaanibta Maalgashiga rabta balse haddii aad halkaas xal u heshid waxa aad heleysaa fursado, siyaasadda oo hagaagta waxa ay dhismo u tahay in aad dhisto Mustaqbal wanaagsan,” ayuu mar kale yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Soomaaliya ay ku jirto marxalad xasaasi ah oo ku aadan xaaladda kala guurka ah, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka 2026 oo ay weli isku hayaan hoggaanka Villa Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News