Salta Lake City (Caasimada Online) – Tyler Robinson, oo 18 jir ahaa, wuxuu u muuqday mid mustaqbal ifaya leh.
Wiilkan dhalinyarada ah ee reer Utah wuxuu ka mid noqday ardaydii ugu dhibcaha sarreysay imtixaankii gelitaanka jaamacadda, wuxuuna ku guuleystay deeq waxbarasho oo afar sano ah oo uu ka helay Jaamacadda Utah State (Utah State University) ee magaalada Logan.
Hooyadiis oo ku faanaysa ayaa barteeda Facebook-ga soo dhigtay muuqaal uu wiilkeeda curadka ah, oo ah kan ugu weyn saddexdeeda carruur, uu kor ugu akhriyayo warqaddii jaamacadda ee deeqda waxbarasho loogu ogolaaday.
“Aad ayuu ugu faraxsan yahay inuu billaabo cutubkan cusub ee noloshiisa, wax weyn ayay u noqon doontaa!” ayay ku qortay farriin kale.
Afar sano kaddib, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu, Robinson ayaa Talaadadii rasaas ka soo riday dhismaha Jaamacad kale dushiisa, isagoo dilay Charlie Kirk oo ahaa shakhsi caan ka ah baraha bulshada oo aragti muxaafid ah lahaa, taasoo dalka oo dhan ka abuurtay walaac cusub oo ku saabsan rabshadaha siyaasadeed ee sii kordhaya.
Baarayaasha ayaa weli ku hawlan sidii ay u fahmi lahaayeen sababta la sheegay inay Robinson ku kalliftay inuu fuulo saqafka dhismahaas. Saraakiishu weli ma aysan shaacin sabab rasmi ah oo ka dambeysay toogashada, inkastoo ay bixiyeen tilmaamo qaar ka mid ah subaxnimadii Jimcaha markii ay ku dhawaaqayeen xariggiisa.
Barasaabka Gobolka Utah, Spencer Cox, ayaa weriyeyaasha u sheegay in xubin ka tirsan qoyska oo ay waraysteen ciidamada ammaanku uu sheegay in Robinson uu dhowaanahan soo hadal qaaday imaanshaha Kirk ee Jaamacadda Utah Valley, halkaas oo lagu toogtay.
“Waxay ka wada hadleen sababta aysan u jeclayn isaga iyo aragtiyihiisa,” ayuu yiri Cox, isagoon bixin faahfaahin dheeri ah.
Xubinta qoyska ka tirsan ayaa sidoo kale baarayaasha u sheegtay in Robinson uu sannadihii dambe noqday mid siyaasadda aad u xiiseeya, waxaana mas’uuliyiintu ay sheegeen inuu qorraxaha rasaasta ee laga helay qoriga dilka looga shakisan yahay ku xardhay wax u ekaa farriimo ka dhan ah faashistayaasha.
Robinson, oo hadda 22 jir ah, ayaa loo xiray dil darajada koowaad ah iyo dacwado kale. Sida ku cad diiwaannada gobolka oo ay eegtay wakaaladda wararka ee Reuters, ma laha wax taariikh dambiyeed ah.
Sida ku cad diiwaanka cod-bixiyeyaasha, wuxuu ahaa codbixiye diiwaan gashan balse kuma xirnayn xisbi siyaasadeed. Waxaa lagu qoray inuu yahay codbixiye “aan firfircoonayn”, taasoo muujinaysa inuusan codkiisa ka dhiiban doorashadii madaxtinimo ee sannadkii hore, markaasoo Donald Trump oo Jamhuuri ahaa uu ka guuleystay Kamala Harris oo Dimoqraaddi ahayd.
Waqtigii ay toogashadu dhacday, Robinson wuxuu la noolaa waalidkiis, guri ku yaal Washington, oo ah deegaan ay ku nool yihiin dad ku dhow 28,000 oo qof oo isugu jira beeraley iyo dad caadi ah, kuna dhow beerta Qaranka ee Zion (Zion National Park) ee koonfur-galbeed Utah.
Gaariga Robinson oo noociisu ahaa Dodge Challenger oo cawlan – gaarigaas oo ay mas’uuliyiintu sheegeen inuu u watay goobta toogashada maalintii Talaadada – ayaa Jimcihii yaallay bannaanka guriga labada dabaq ah.
Tobannaan xubnood oo warbaahinta ka tirsan ayaa ku soo ururay bannaanka, waxaana la socday ilaa lix gaari oo boolis ah oo waddada dhinaceeda la dhigay. Saraakiisha booliska ayaa weriyeyaasha ka hor istaagayay inay guriga u dhowaadaan.
Nin deris la ah oo lagu magacaabo Steven Green, ayaa sheegay inuu qoyska ka yaqaanay kaniisad Mormon ah oo ay isku aadi jireen oo waddada dhinaceeda ku taallay.
“Qoys wanaagsan, carruur fiican,” ayuu yiri, inkastoo uu intaas ku daray inuusan si fiican u aqoon Tyler Robinson.
Canaan Timothy, oo 21 jir ah, wuxuu sheegay inuu Robinson hal fasal ka hooseeyey dugsiga sare. Wuxuu sheegay in Robinson uu ahaa arday caadi ah oo xiiseyn jiray muusigga, isla markaana la saaxiib ahaa xubnaha kooxda muusigga ee dugsiga.
“Is arag ayaan isku naqiin. Wuxuu ahaa wiil caadi ah,” ayuu yiri Timothy, oo laba jid ka fog guriga qoyska Robinson ay ku nool yihiin. “Tyler wuxuu ahaa qof aamusan, laakiin aan aad u aamusnayn.”
Sida ay saraakiishu sheegeen, Robinson ayaa la xiray fiidnimadii dambe ee Khamiista iyadoo aysan jirin wax iska hor-imaad ah, ka dib markii saaxiib qoyska ah uu la soo xiriiray mas’uuliyiinta kuna wargeliyey in Robinson uu qirtay ama uu si dadban u sheegay inuu ka dambeeyey dilka Kirk.
Muddo gaaban ayuu dhigtay jaamacadda
Robinson wuxuu sannadkii 2021 ka qalin-jabiyey Dugsiga Sare ee Pine View oo ku yaal St. George, Utah. Muuqaal internetka la soo dhigay oo laga duubay xafladdii qalin-jabinta ayaa muujinaya isagoo shahaadadiisii ku qaadanaya masraxa dushiisa iyadoo dadkii goobjoogga ahaa ay u sacbinayaan.
Jaamacadda ayaa u xaqiijisay wakaaladda Reuters inuu muddo kooban dhigtay Jaamacadda Utah State ee Logan, hal simistar deyrtaas.
Lama oga sababta uu uga tagay jaamacaddaas, laakiin Kulliyadda Farsamada ee Dixie (Dixie Technical College), oo qayb ka ah nidaamka jaamacadaha dawliga ah ee Utah, ayaa xaqiijisay inuu yahay arday sannadkii saddexaad ku jira barnaamijka tababarka korontada ee kulliyadda.
Qoraal ay hooyadiis soo dhigtay Facebook-ga ayaa lagu sheegay in Robinson uu dugsiga sare ka helay dhibco dhan 34 imtixaanka gelitaanka jaamacadda ee ACT, taasoo, sida ay sheegtay shirkadda u diyaarinta imtixaannada ee Princeton Review, ka dhigaysa inuu ka mid yahay 1% ee ardayda ugu sarreysa ee imtixaankaas gala.
Sida ku cad qoraallada waalidkiis ee Facebook-ga, waxaa jira laba wiil oo ka yar. Hooyadiis ayaa online-ka ku sheegtay in shaqadeeda ay tahay kaaliye bulsho ee shirkad caafimaad oo aan faa’iido doon ahayn, halka aabbihiis, sida ay muujinayaan diiwaannada gobolka, uu yahay maamulaha shirkad samaysa miisaska dhagaxa ah ee jikooyinka.
Qoraallada hooyadiis ee Facebook-ga ee sannadihii la soo dhaafay – kuwaasoo intooda badan la tirtiray Jimcihii – waxay u badnaayeen kuwo muujinaya kalgacalka ay qoyskeeda u qabto: waxay diiwaan gelin jirtay safarradii ay ku tageen Alaska, Kariibiyaanka iyo Disneyland; waxay u dabbaaldegi jirtay riwaayadaha iskuulka, dharka Halloween-ka, iyo bakaylayaasha ay korsadeen; waxayna muujin jirtay sida ay ugu faanayso kor u kaca wiilasheeda saddexda ah ee dhanka waxbarashada.
Midna ka mid ah qoraalladaas uma ekayn mid si toos ah ula xiriira siyaasad.
Qoraallo kale ayaa muujinaya Robinson iyo walaalihiis oo mararka qaar qoryo sita, inkastoo aysan taasi ahayn wax aan caadi ahayn gobol leh sharciyo oggolaanaya hubka si sahlan.
Xarigga Robinson ee fiidnimadii Khamiista ayaa soo gabagabeeyey hawlgal 33 saacadood qaatay oo lagu baadigoobayey gacan-ku-dhiiglihii dilay Kirk, hawlgalkaas oo Arbacadii lagu soo xiray laba qof oo kale oo looga shakiyey kiiska, kuwaasoo markii dambe la sii daayay.
Robinson waxaa lagu xiray xabsiga Degmada Utah (Utah County jail) ee ku yaal Spanish Fork, oo qiyaastii 12 mayl (19 km) koonfur ka xiga jaamacaddii lagu toogtay Kirk. Weli si rasmi ah looguma soo oogin wax dacwad ah.

