27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo qaaday tallaabo la xiriirta qof iyo cod

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta doorashada qof iyo codka ah ee haatan la qorsheynayo inay ka dhacdo dalka.

Guddiga ayaa mar kale dib u furay is diiwaangelinta dadweynaha, wuxuuna shaaciyay illaa 7 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, lagana diiwaangelinayo dadka doonaya inay qaataan shahaadada.

Ujeedka ayaa ah in fursad lasiiyo ururada cusub ee dhawaan is diiwaangeliyay, kuwaas oo qaarkood ay furteen xubnihii ka baxay Madasha Samatabixinta ee la heshiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, guddiga ayaa ugu baaqay dadka aan horay isku diiwaangelinin inay tagaan xarumaha loo asteeyay is diiwaangelinta, ayna qaataan shahaadada, si ay uga qayb galaan doorashooyinka dhacaya.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka Guddiga Doorashooyinka Qaranka:-

Dib-u-furista Xarumaha Diiwaangelinta Dadweynaha ee Gobolka Banaadir.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha (GMDQS) waxaa uu ogeysiinayaa dhammaan Ururada Siyaasadda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Banaadir in dib loo furay Xarumaha Diwaangelinta Dadweynaha ee Degmooyinka hoos ku xusan.

1. Degmada Warta-Nabadda
2. Degmada Howl-Wadaag
3. Degmada Hodan
4. Degmada Wadajir
5. Degmada Dharkeynley
6. Degmada Waabari
7. Degmada Kaxda

GMDQ&S waxaa uu ugu baaqayaa dhammaan Muwaadiniinta aan horey isku diiwaangelinin iyo taageerayaasha xubnaha Ururrada Siyaasadeed ee dhawaan shahaadada qaatay in ay si firfircoon uga qeyb qaataan, kuna dhiirrigeliyaan bulshada iyo taageeradooda in ay ka fad’iideystaan fursaddan qaaliga ah ee dib-u-furista diiwaangelinta.

- Advertisement -

Read more

Local News