Buulo-mareer (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ciidanka dowladda iyo kuwa AUSSOM ay ka fuliyeen aagga magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose, laguna beegsaday Al-Shabaab.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka uu ka dhacay beeraha Beeynax ee hoos yimaada Buulo-Mareer, isla markaana uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, iyada oo khasaare culus lagu gaarsiiyay argagixisada.
Wasaaradda ayaa sidoo kale xaqiijisay in ciidamada ay dileen laba horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo ilaaladooda, kuwaas oo ku sugnaa halka laga fuliyay howlgalka.
Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku soo dhigay qalab muhiim ah oo ay adeegsaneysay kooxda, kuwaas oo ay ku jiraan kaamirooyin iyo qalab kale oo loo adeegsado sahminta.
“Howlgalka ayaa lagu dilay laba horjooge oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab iyo laba ka mid ah ilaaladoodii, iyadoo sidoo kale gacanta lagu soo dhigay agab isagu jira kamarado, doorbino iyo qalab sahamin ah oo ay kooxdu adeegsanayeen” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa intaasi kusii dartay in howlgallada ay sii socon doonaan, ujeedkana uu yahay in dalka laga ciribtiro kooxaha argagixisada.
“Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay xaqiijinaysaa in weerarrada qorshaysan ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Khawaarijta ay sii socon doonaan ilaa kooxaha argagixisada ah laga ciribtiro guud ahaan dalka” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka Wasaaradda.
Howlgalkan waxaa ka horreeyay dagaal kale oo lagu jabiyay Al-Shabaab, kaas oo maalin kahor ka dhacay degmada Ceeldhee ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo sidoo kale la qabtay maxaabiis.

