Ceerigaabo (Caasimada Online) – Cali Cabdullaahi Cabdi, oo ah walaalka Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi oo duqayn lagu dilay shalay, ayaa ka hadlay sida ay wax uga dhaceen duleedka degmada Ceelbuh ee gobolka Sanaag.
Duqeynta ayaa ka dhacday degaanka Jiicaanyo oo ka tirsan degmada Ceelbuh ee Gobolka Sanaag, waxaana wararku sheegayaan in duqeynta ay ku dhinteen caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi iyo nin kale oo aan weli la aqoonsan.
Cali, oo weli ku sugan goobta dhacdada, ayaa sheegay in walaalkiis uu shalay galab keligii ka baxay degmada Ceelbuh, gaarigana lagu dhuftay saddex gantaal.
Walaalka marxuumka ayaa intaas ku daray in dad reer miyi ah oo goobta ka ag dhawaa ay arkeen sida weerarka uu u dhacay, isla markaana uu xaqiijiyay in Caaqilka uu kaligiis gaariga saarnaa.
“Lafaha Caaqilka oo keli ah ayaan haynaa, cid kalena lama socon, weligiina xidhiidh lama yeelan kooxaha la raadinayo. Dowladda Puntland ayaan war cad ka sugeynaa,” ayuu yiri Cali Cabdullaahi.
Baaris rasmi ah oo ku saabsan sababta duqaynta weli lagama soo saarin, inkasta oo goobta ay gaareen laamaha amniga Puntland. Cali ayaa sheegay inay xiriir la sameeyeen madaxda amniga iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor.
Waxa uu sheegay in qoyskiisa iyo bulshada deegaanka ay sugayaan jawaab cad oo ku saabsan cidda ka dambeysay weerarka iyo sababta loo beegsaday Caaqilka.
Duqaymaha diyaaradeed ee laga fuliyo gudaha Soomaaliya waxaa inta badan sameeya ciidamada Mareykanka ee howlgalka AFRICOM, kuwaas oo horay uga caawiyay Puntland weerarro ka dhan ah kooxda Daacish intii uu socday dagaalkii Buuraha Calmiskaad.
Dhacdadani waxay dhalisay isweydiin badan oo ku saabsan sababta gaariga Caaqilka loo bartilmaameedsaday, maadaama walaalkiis uu sheegay in uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada.
Geerida Caaqil Cumar ayaa si weyn u saamaysay bulshada ku nool Ceelbuh iyo nawaaxigeeda. Dadka deegaanka ayaa muujiyay cabsi iyo walaac ka dhashay dhacdadan, taas oo ahayd duqayntii ugu horreysay ee noocan oo kale ah ka dhacda gobolka Sanaag.

