Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta qaaday tallaabo yaab leh oo si weyn looga fal-celiyay, kadib markii uu soo furtay doorjoog lagu haystay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Puntand oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in ay soo furatay laba Deero iyo laba Diin oo lagu haystay goob ganacsi iyo meel dadweyne ku taalla Garoowe, iyada oo sheegtay in loo gaystay dhibaato xooggan.
Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in doorjoogtaan lagu quudinayay cunto aan caafimaadkooda ku habbooneyn, kadibna maanta ay si toos ah ula wareegtay.
Sida lagu sheegay qoaalka labada deero ayaa la geeyay xarun kumeel-gaar ah si loo daryeelo, halka labada Diin isla markiiba loogu celiyay deegaankoodii dabiiciga ahaa ee ay markii hore ku noolaayeen.
“Wasaaradda Deegaanka, Daaq iyo Isbeddelka Cimilada Puntland ayaa dhawaan la wareegtay duurjoog ay dad ku haysteen goobo ganacsi iyo kuwa dadweyne oo ku yaalla magaalada Garoowe. Doorjoogta oo kala dha laba Deero iyo laba Diin ayaa laga soo qaaday deegaannadii ay ku noolaayeen, waxaana lagu quudinayay cunto aan habooneen taas oo khatar gelin karta caafimaadkooda” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda.
Sidoo kale Wasaaradda Deegaanka Puntand ayaa shacabka ku wargelisay in qabsashada, ka ganacsiga iyo waxyeellaynta duurjoogta ay sharci darro tahay, isla markaana hadda kadib lala xisaabtami doono ciddii lagu helo.
Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xoogga, waxaana ka fal-celiyay qaar kamid ah dadweynaha isticmaala baraha bulshada.
Xasan Cali: Runtii waa ku amaanayaa Puntland iyo wasaaradda tallaabada ay qaaday, waana muhiim in la xanaaneeyo oo laga war haayo duur joogta”.
Abwaan Ducaale: “Haye waxaas maa wax la sheego ah maxaa camal la’aan ka jirta meeshii Puntland ahayd”.
Suldaan Dabaare: “Riyaha iyo dameeraha magaalooyinka Puntland dhex mushaaxaya oo dadkana dhibta ku ah xoolahana dhibta ku ah wasaaraddu qorshe ha u samayso.


