Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo wareegto soo saaray ayaa sameeyay magacaabis la xiriirta Afrika oo lala yaabay, sidoo kalena si wayn looga falceliyay.
Qoor Qoor ayaa maanta Mudane Cabdicasiis Maxamed Siyaad u magacaabay inuu noqdo Wakiilka Galmudug ee dalalka Afrikada Koonfureed, sida lagu sheegay wareegtada.
Ma jirto sharraxaad kale oo ay Madaxtooyada Galmudug ka bixisay magacaabistan, maadaama ay tahay tii ugu horreysay ee dibadda la xiriirta ee uu sameeyo Madaxweyne Axmed Qoor Qoor.
Talaabadan oo kale waxaa horay u qaaday Puntland oo hadda ay wakiillo u joogaan, Aasiya, Yurub, ilaa Mareykanka, waxayna u muuqataa in Galmudug ay ku dayatay.
Magacaabistan waxaa kale oo ay kusoo aaday maalmo uun kadib markii uu Qoor Qoor kasoo laabtay booqasho hadal-heyn dhalisay oo uu dhawaan ku tegay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, isaga oo lasoo kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Dhinaca kale dad badan ayaa ka falceliyay magacaabistan, kuwaas oo intooda badan su’aalo ka keenay tallaabada uu qaaday Madaxweynaha Maamulka Galmudug.
Xabiib Faarax oo reer Puntland ah ayaa yiri “Dalalka Afrikada Koonfureed xaggee Ku Yaalaan ?”.
Maxamed Cabdi “Galmudug State House macnaha Wakiil idiin shaqayn maayee ma mid baa ilmaha caanahooda meel loo saaray”.
Saalax Cali Cabdi ayaa isna yiri “State iyo Arrimo Dibadeed?!!!!!”.
Ustaad Muudey “Wax ka jiro malahan
maamul goboleed lee tahayee maxaa ku geliyey dibaddaas?”.
Cabdullahi Maxamuud “Galmudug waa tagtay oo tallaabsatay, mar haddii ay Afrika danjirayaal u dirsaneyso”.


