Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya magaalada Muqdisho Cabdalla Cuteybi, kaas oo ku wargeliyay in wafdi ay usoo dirayaan dalka.
Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin iskaashiga ka dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ee ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.
Xamza oo madasha ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Jaamacadda Carabta, taageerada iyo iskaashiga ay wadaagaan, gaar ahaan wadashaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Intaas kadib waxaa isna hadalka qaatay Danjire Cabdalla Cuteybi, oo sheegay in ay sii xoojin doonaan doorka wanaagsan ee Soomaaliya ay ku leedahay horumarinta iskaashiga dalalka ku mideysan Ururka.
Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay si iskaashigaasi loo sii xoojiyo in ay dhawaan dalka soo gaari doonaan wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo hirgelin doona mashaariic kala duwan oo hormarineed.
Kulankan ayaa qayb ka ah kulamo is daba joog ah oo uu maalmahan Ra’iisul wasaaruhu la qaadanayay wakiilada beesha caalamka, isaga oo inta badan kala hadlayay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, ammaanka iyo kordhinta taageerada ay siiyaan dawladda federaalka ah.
Ra’iisul wasaaraha ayaa horay ula shiray danjiraha cusub ee UK u fadhiya Soomaaliya, Mr. Charles Nicholas King, kaas oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka, xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, la-dagaallanka Khawaarijta iyo dardar-galinta Mashaariicda horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya.
Waxaa kale oo uu dhowaan Ra’iisul wasaaruhu xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Ahmed Juma Al-Rumaithi oo ay ka wada-hadleen adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya ee labada dal ee ku dhisan wax-wada qabsiga.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana muran xooggan uu ka dhashay hannaanka lagu wajahayo doorashooyinka 2026, kadib markii xubno mucaaradka iyo laba Maamul-goboleed ay ka biyo diideen qorshaha Villa Somalia.


