Muqdisho (Caasimad Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dhismaha maamulka Waqooyi Bari, isaga oo duray qaabka loo maray dhismaha maamulkan oo dhawaan lasoo dhammeystiray.
Shariif ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe inay farogelisay maamulka cusub ee Waqooyi Bari, isla markaana ay qasabtay dadka deegaanka, sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay wasaaradda arrimaha gudaha oo uu ku eedeeyay inay ku takri fashay dadka deegaanka, ayna awood u adeegsatay odayaasha soo xulayay ergada.
“Arrimaha hadda ka dhacay meesha waxaan la soconayaa inuu maamulaayay wasiirka arrimaha gudaha waxaa dhacay oon wada ognahay dhaqanka ugu waa wayn deegaannadaas dadka uu soo xushay in la reebay qaar kamid ah, iyaga oo ujeedo siyaasadeed laga leeyahay” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd.
Waxaa kale oo uu tilmaamay in dowladdu ay dano siyaasadeed ay ka lahayd maamulkan, isla markaana intii lagu guda jiray dhismahiisa ay dhaceen tacaddiyo waa wayn.
“Waxaa dhacay tacaddiyo fara badan Madasha sideedaba waxay u taagan tahay cadaalada marka annaga waan taageersanahay dadka inay yeeshaan maamullo waa tii aan ka shaqeyeynay, laakiin waxaan diidanahay in iyadoo dano siyaasadeed laga leeyahay la marin habaabiyo”.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Annaga waxaa xoojineynaa Soomaalinimada ujeedo siyaasi ah kama lihin, waxaan ka leenahay ujeedo jiritaan & ujeedo quseyso midnimada qaranka”.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ay uga gaabsatay hambalyada doorashadii uu kusoo baxay Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye) iyo ku xigeenkiisa Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibrill (Abwaan) oo loo doortay inay noqdaan madaxweynaha & madaxweyne ku xigeenka cusub ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

