Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay khudbad xasaasi ah oo uu xalay Madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay bandhigga waxqabadka xukuumadda Dan-Qaran oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, isaga oo ka hadlay arrimo ku aadan horumarinta baasaboorka dalka iyo nidaamka lasoo kordhiyay ee e-Visa.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qofka wata baasaboorka dal kale aanu ahayn Soomaali, uuna lamid yahay ninka ajnabiga ah ee dalka soo galaya, sidaas darteedna laga rabo inuu u hoggaansamo shuruucda cusub ee ay soo rogtay dowladda.
“Baasaboor shisheeye qofkii wata Soomaali ma aha, luuqadda Af-Soomaaliga iyo midabka madow laguma noqdo Soomaali.” ayuu khudbaddiisa ku yiri Madaxweynuhu.
Sidoo kale wuxuu sii adkeeyay go’aanka ku aadan qaadashada e-Visa, isaga oo carrabka ku ku dhuftay in qofka Soomaaliga ah ee haysta baasaboorka dal kale iyo kan ajnabiga ah laga rabo inay Viso kusoo galaan dalka, una hoggaansamaan amarka soo baxay.
“Baasaboorka Soomaaliga adiga oo Fiiso heysan dal kale kuma gali kartid, sidaasi si lamid ah ayaa qof Ajanabi ah ama dhalasho ahaan Soomaali ah u imaan karin gudaha dalkeena isagoo aan wadan Fiiso” ayuu sii raaciyay Madaxweyn Xasan Sheekh.
Dhankiisa Xildhibaan hore Maxamed Xasan Idiris ayaa si weyn u boggaadiyay tallaabada madaxweynaha, isaga soo dhaweeyay go’aankiisa ku aadan horumarinta adeegga baasaboorka.
“Waa ku mahadsantahay mudane madaxwayne sidaad warka u qeexdey! Qofka wuxuu xuquuqda muwaadinimada jinsiyadda aan laga qaadi karin ee ku cad Qoddobka 8aad (3) ee Dastuurka uu lee yahay marka uu qaato Baasaboorkaan” ayuu yiri Maxamed Xasan Idiris.
Sidoo kale wuxuu sii raaciya “Dad badan oo ay iskaga qaldan tahay sida warku u dhacaayayey ee ku wareersan ayaan arkayaa kuwa saxaafaddaba ha u badnaadaane. Walaal baasaboorkaan qaado si aad u heshid Xuquuqdiisa, meel loo dhaafo majirto!
Dhinaca kale, qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga fal-celiyay khudbadda Madaxweynaha, iyaga oo inta badan soo dhaweeyay.
Hoodo Xayinimo: ‘Waddamada kale waxaad u ogashay waddankaaga u ogolow ceeb maaha”.
Liibaan Aadan: “Wasiirrada iyo xildhibaannada maxey xilalka noogu haayaan ayagoo ajaaniiba marka su’aashaas wax weydiiyo mala waayay?”.
Maxamed Madaxey: “Yaa muwaadin Soomaali ah? Muwaadin Soomaali waxaa noqonaya qofka ku dhashay xuduuda Soomaaliya, muslim ah haystana dhalashada ama baasaboorka Soomaaliya dambina aan ka galin dalka. Halkaa waa ku saxan yahay”.
Xuseen Cabdullahi: “Qof walba waddanka uu baasaboorkiisa wato ayuu muwaadin u yahay”.

