Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan kula yeeshay magaalada Ankara Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Turkiga, Ali Yerlikaya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal, iyadoo si gaar ah looga wada-hadlay xoojinta saaxiibtinimada qotada dheer iyo iskaashiga wax ku oolka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhanka dekedaha, gaadiidka badda iyo amniga.
Wasiir Jaamac ayaa carabka ku adkeeyay sida dowladda federaalka Soomaaliya ay u danaynayso in xiriirka labada dal uu noqdo mid miro dhal ah, isagoo xusay in iskaashigan uu muhiim u yahay xoojinta horumarka, amniga iyo danaha wadaagga ah ee labada shacab.
“Waxaan kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Ali Yerlikaya. Inta lagu guda jiray kulankeenna, waxaan ka wada hadalnay in la xoojiyo saaxiibtinimada qotada dheer iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.
Waxa uu intaas kusii daray: “Waxaan uga mahad-celinaayaa wasiirka soo dhoweyntiisa qiimaha badan ee Soomaaliya iyo Turkiga.”
Kulankan ayaa horey ula kulmay Madaxweynaha Turkiga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi. Jaamac ayaa xiriir dhow la leh Turkiga, waxaana la sheega inuu xiriirka Turkiga uga saameyn badan yahay masuuliyiinta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
Sanadihii uu joogay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo bilooyin kahor laga soo bedelay ayuu Wasiir Jaamac aad ula shaqeyn jiray Turkiga, waxaana la gaarsiiya inuu yahay “masuulka ay Turkidu ugu aaminaada badan yihiin”.
Kulankan ayey Soomaali badan su’aallo ka keeneen, iyadoo dadka qaar ay muujiyeen shaki la xiriira sababta dhabta ah ee ka dambeyn karta kalsoonida intaas le’eg ee Turkiga ku qabo ninkaan.





