Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qeyb-galay furitaanka 12-aad ee Madasha Caalamiga ah ee Difaaca ee Beijing Xiangshan Forum.
Shirweynahan oo ah mid caalami ah ayaa waxaa iskugu yimaadeen wasiirada gaashaandhiga iyo ergooyin ka kala socday in ka badan 100 dal.
Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu goob joog ka ahaa furitaanka madashaan Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Cismaan oo ka qeyb qaadatay kulammada iyo doodaha halkaasi ka dhacay.
Madashan ayaa lagu soo bandhigay dooddo ku saabsan amniga caalamiga ah, iskaashiga milatari, iyo sidii loo wajahilahaa caqabadaha cusub ee nabadda iyo xasilloonida.
Halku-dhigga shirkan ayaa ahaa: “Ilaalinta Nidaamka Caalamiga ah, iyo Dhiirrigelinta Horumarka Nabadgelyada si wadajir ah”.
Waxaa madasha ka soo qeyb-galay in ka badan 1,800 ergo oo isugu jira wasiirro, saraakiil ciidan, khubaro iyo wakiillo ka socda ururo caalami ah.
Ka qeyb-galka Soomaaliya ee heerkan ayaa muujinaya sida dalkeenu si toos ah uga dhex muuqdo wada-hadallada caalamiga ah ee ku saabsan mustaqbalka amniga iyo iskaashiga dalalka dunida.









