Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si hoose u muujiyay xanaaq iyo niyad jab weyn oo uu ka qabo Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu — haddana, diblomaasiyiinta iyo falanqeeyayaashu waxay sheegayaan inuusan awoodin, ama uusan doonayn, inuu saaro cadaadis dhab ah.
“Dhabarka ayuu iga tooganayaa,” ayuu Trump ka yiri Netanyahu, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargayska Wall Street Journal, kaddib duqeymo cirka ah oo Israel ay la beegsatay wada-xaajoodayaal ka tirsan Xamaas oo ku sugnaa dalka Qatar.
Hadalladan ayaa ka soo yeeray Madaxweynaha xilli uu kulan la lahaa la-taliyeyaal sare, oo uu ku jiray Xoghayaha Arrimaha Dibedda, Marco Rubio, markaas oo uu Trump ogaaday hawlgalka saacado kaddib markii uu bilowday.
Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo dhowr ah oo uu soo xigtay wargayska WSJ, Trump waxaa si isa soo taraysa uga sii darayay xanaaqa uu ka qabo Netanyahu. In kasta oo ay jireen xaalado badan oo caradiisu ay cirka isku shareertay, haddana waxaa la sheegay in Madaxweynaha Mareykanku uusan awoodin inuu wax saameyn ah ku yeesho Ra’iisul Wasaaraha Israel.
“Maxay tahay sababta uu Trump, oo jecel inuu mar walba isagu gacanta sare yeesho, ugu oggolaanayaa in Netanyahu uu si joogto ah ugu dhaqmo si liddi ku ah rabitaankiisa?” ayuu isweydiiyay wargayska Wall Street Journal.
“Waa arrin wareer ku reebaysa qofka oo aan la fahmi karin,” ayuu yiri Shalom Lipner. Lipner wuxuu la soo shaqeeyay toddobo ra’iisul wasaare oo Israeli ah oo isku xigxigay muddo rubuc qarni ah, haddana wuxuu ka tirsan yahay golaha Atlantic Council, oo ah xarun cilmi-baaris oo fadhigeedu yahay Washington.
“Tallaabooyinka Netanyahu waxay dheereeyeen dagaalka Gaza, waxay dhibaatooyin dhanka xulafada gobolka ah u abuureen Trump, waxayna sidoo kale ballaarinta Heshiisyadii Abraham (Abraham Accords) ka dhigeen mid aad u dhib badan,” ayuu raaciyay Lipner.
In kasta oo ay jiraan hadalladaas kulul ee gaarka ah, haddana ma jirin wax iska-caabbin ah oo si fagaare ah uga yimid dhanka Trump. Wargayska Wall Street Journal wuxuu xusayaa in daacadnimada Trump, oo ay weheliso xiriirka qotoda dheer ee uu Netanyahu la leeyahay xisbiga Jamhuuriga Mareykanka iyo warbaahinta muxaafidka ah, ay sababtay in madaxweynaha Mareykanka ay siyaasad ahaan qaali ku noqoto inuu saaro wax cadaadis ah.
Netanyahu ayaa muddo dheer ku faani jiray awoodda uu u leeyahay inuu saameyn ku yeesho siyaasadda Mareykanka ugana weeciyo dhinaca uu rabo. Muuqaal la helay oo la duubay sannadkii 2001-dii, balse dib u soo shaac baxay 2010-kii, ayaa laga maqlayay isagoo leh: “Anigu waan aqaan waxa uu Mareykanku yahay; Mareykanku waa dal si sahlan loo dhaqaajin karo, looguna jeedin karo jihada saxda ah. Jidka nooma istaagi doonaan.”

