28.9 C
Mogadishu
Thursday, January 15, 2026

Faarax Macallin oo ku baaqay isbaheysi ka kooban afar dal oo ka dhan ah Itoobiya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga mucaaradka ah ee dalka Kenya, Faarax Macallim ayaa ugu baaqay dalalka Eritrea, Soomaaliya, Jabuuti, iyo Sudan inay sameystaan isbahaysi is-difaac oo wadajir ah si ay uga hortagaan wax uu ku tilmaamay “damaca dhul-ballaarsiga” ee Itoobiya, xilli Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu xoojiyay baaqyadiisa ku aaddan helitaanka marin-badeed.

Qoraallo xiriir ah oo uu soo dhigay barta X, ayuu Faarax Macallim ku eedeeyay madaxda Itoobiya inay wadaan “gorgortan kibir ku jiro” oo ku tiirsan “taariikh la been abuuray iyo taageero aan xad lahayn oo reer Galbeedka ah.” Wuxuu ka digay in Abiy uu halis ugu jiro inuu dardargeliyo “burburka” Itoobiya isagoo adeegsanaya “dhul-ballaarsi aan laga fiirsan.”

“Itoobiya waa dal aan bad lahayn, laakiin sidoo kale waxaa sidaas ah Uganda, Rwanda, Burundi, iyo South Sudan,” ayuu yiri Faarax. “Dalalka aan badda lahayn marinno badeed kuma raadiyaan inay dhul qabsadaan. Waa inay deriskooda kala xaajoodaan sidii ay marin u heli lahaayeen.”

Wuxuu dib u xusuustay iska hor’imaadyo taariikhi ah oo gobolka ka dhacay, laga soo bilaabo jabkii Soomaaliya ka soo gaaray dagaalkii Ogaadeeniya ee 1978-kii oo ay la gashay ciidamadii Itoobiya ee uu taageerayay Midowgii Sofiyeeti, ilaa faragelintii Addis Ababa ay ku samaysay Muqdisho sanadkii 2006, taasoo uu sheegay inay ku dhammaatay khasaare culus oo soo gaaray Itoobiya. “Ma jiro hoggaamiye Itoobiyaan ah oo caqli qaba oo weerari doona Soomaaliya,” ayuu yiri.

Digniinta Faarax Macallim ayaa ku soo beegantay xilli Abiy, oo Talaadadii ka hadlayay magaalada Addis Ababa xafladdii daah-furka buuggiisii ugu dambeeyay ee Medemer, uu meesha ka saaray fikradaha sheegaya in Itoobiya loo qaddaray inay ahaato “maxbuus juqraafi ah” oo aan lahayn marin-badeed.

“Haddii uu jiro qof Itoobiyaan ah oo aaminsan in Itoobiya ay weligeed ahaan doonto maxbuus juqraafi, qofkaasi waa qof dhintay,” ayuu yiri, isagoo saboolnimada dalka dusha uga tuuray “albaabbada xiran iyo go’doonka.”

In kasta oo uu carrabka ku adkeeyay in “colaad iyo dagaal” aysan xal ahayn, haddana Abiy wuxuu ku adkeystay “inaysan caqli-gal ahayn in loo qaato in dal baaxadda Itoobiya le’eg carruurteena loogu dhiibo isagoo go’doonsan.”

Horaantii bishan, Abiy wuxuu ku dhawaaqay inay “waqti uun qaadan doonto” inta aysan Itoobiya dib u helin dekedda Assab ee Eritrea ee ku taalla Badda Cas, isagoo ku tilmaamay luminta xeebtii sanadkii 1993-kii “qalad taariikhi ah” oo ay qasab tahay in la saxo.

Eritrea ayaa si degdeg ah u cambaaraysay hadalladaas, iyadoo ku tilmaantay “dagaal-hurin aan laga fiirsan,” waxayna ka digtay inay halis gelinayaan burburinta heshiiskii nabadda ee 2018-kii ee soo afjaray collaaddii tobannaan sano u dhaxaysay labada dal ee deriska ah, kaasoo Abiy ku mutaystay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel.

Saraakiil sare oo Itoobiyaan ah ayaa taageeray mowqifka Abiy. Wasiiru-dowlaha Maaliyadda, Eyob Tekalign, ayaa sheegay in Itoobiya ay “diyaar u tahay inay si adag uga hortagto cid kasta oo ka soo horjeesata” danteeda qaran, halka saraakiil ka tirsan millateriga ay marin-badeedka Badda Cas ku tilmaameen arrin ku saleysan “xaq taariikhi ah” iyo “badbaado qaran,” iyagoo hoosta ka xariiqay in diblomaasiyaddu tahay waddada la doorbidayo.

Eritrea ayaa gebi ahaanba iska diiday sheegashooyinka noocaas ah, iyadoo ku doodday in aftidii madaxbannaanida ee 1993-kii ay ahayd go’aan “aan laga noqon karin.”

Xiisado ayaa sidoo kale ka dhashay dhinaca Soomaaliya tan iyo markii ay Addis Ababa heshiis is-afgarad ah oo muran dhaliyay sanadkii 2024 la saxiixatay Somaliland, oo ah gobolka gooni u goosad ah oo ka tirsan Soomaaliya.

Heshiiskaas wuxuu Itoobiya siinayay kiro dhul-badeed ah, beddelkeedana ay ku aqoonsanayso madaxbannaanida Somaliland, taasoo dhalisay falcelin adag oo ka timid dowladda Soomaaliya. Dhexdhexaadin uu Turkigu sameeyay ayaa horseedday Baaqii Ankara bishii Disembar 2024, laakiin xiriirka labada dhinac ayaa weli ah mid cakiran.

Falanqeeyayaashu waxay ka digayaan in hadal-haynta sii kordheysa ee Abiy ee ku aaddan dekedaha Eritrea, oo ay weheliso tallaabooyinka Itoobiya ee dhanka Somaliland, ay halis gelinayaan inay xasilooni-darro ka abuuraan gobol horeyba ula daalaa-dhacayay colaado, dhibaatooyin cimilada la xiriira, iyo dhaqaale xumo.

- Advertisement -

Read more

Local News