Dubai (Caasimada Online) – Dowladda Isu Tagga Imaaraadka Carabta ayaa haatan qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah Soomaaliya, kadib markii ay soo saartay liis cusub oo ah wadamada laga mamnuucay in muwaadiniintooda la siiyo fiisooyinka gelitaanka dalkaas.
Imaaraadka oo cusboonaysiis ku sameeyay liiska dalalka uu ka mamnuucay in ay helaan dal ku galkiisa, sanadka soo socda ee 2026ka, ayaa Soomaaliya kusoo daray waddamadaasi, sida lagu sheegay bayaan culus kasoo baxay dowladda dalkaasi.
Go’aankan ayaa sidoo kale saameeyay waddamada Afghanistan, Libya, Yemen, Somalia, Lebanon, Bangladesh, Cameroon, Sudan iyo Uganda, sida ku cad bayaanka soo baxay.
Faah-faahin dheeraad ah Imaaraadku kama bixin sababta ka dambeysa tallaabadan, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in go’aankan uu la xiriiro amniga, maadaama xaalado adag iyo rabashado ay ka jiraanqaar ka mid ah waddamada kusoo baxay liiska cusub.
Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Dowladda Soomaaliya oo ku aadan tallaabada Imaaraadka Carabta oo isla markiiba la dareemay saameynteeda.
In Soomaaliya ay kasoo muuqato liiskan ayaa dhalisay hadal-heyn xooggan, maadaama Dubai iyo Muqdisho uu haatan ka dhexeeyo xiriir xooggan oo gaaray heer uu saameeyo siyaasada iyo arrimaha gudaha dalka.
Sidoo kale, Imaaraadka ayaa kamid ah dowladaha Carabta ee caawiya Dowladda Federaalka, isaga ooka taageero milatariga, siyaasaddda iyo dhanka horumarinta.

