London (Caasimada Online) – Weerar dhanka internetka ah oo lagu qaaday shirkad bixisa adeegyada hubinta tikidhada iyo nidaamka rakaabka ayaa sababay hakad ku yimid duullimaadyada dhowr garoon oo waaweyn oo Yurub ah, oo uu ku jiro garoonka London ee Heathrow — kan ugu mashquulka badan qaaradda — taasoo keentay dib u dhacyo iyo duullimaadyo la baajiyey Sabtida maanta ah.
Shirkadda Collins Aerospace, oo hababka diiwaangelinta iyo hubinta siisa dhowr shirkadood oo diyaaradeed oo ka hawlgala garoomada caalamka, ayaa wajahaysa cilad farsamo oo dib-u-dhac ku keeni karta rakaabka dhoofaya, sida lagu sheegay war ka soo baxay maamulka garoonka Heathrow, oo horay uga sii digay suurtagalnimada dib-u-dhacyo.
Garoomada diyaaradaha ee Brussels iyo Berlin ayaa sidoo kale uu saameeyay weerarku, sida ay ku sheegeen warbixino kala duwan oo ay soo saareen.
Shirkadda RTX, oo ah shirkadda iska leh Collins Aerospace, ayaa sheegtay inay ka war heshay “carqalad la xiriirta dhanka internetka” oo ku timid barnaamijkeeda software-ka ah ee ay ku isticmaasho garoomo diyaaradeed oo cayiman, balse ma aysan magacaabin garoomadaas.
RTX ayaa sheegtay in cilladdu ay ku koobantahay nidaamka electronic check-in iyo adeegga boorsooyinka, balse lagu maareyn karo hab gacanta lagu hubiyo. “Waxaan si degdeg ah uga shaqeyneynaa xal u helidda arrintan,” ayay shirkaddu ku tiri bayaan email ah.
Weerarku wuxuu hawlgab ka dhigay nidaamyadii otomaatika ahaa, taasoo keentay in kaliya la isticmaalo habka gacanta ee diiwaangelinta iyo soo-gelidda diyaaradda, sida lagu sheegay bogga internetka ee garoonka Brussels, oo intaas ku daray in dhacdadu ay dhacday habeenimadii Jimcaha.
“Tani waxay saameyn weyn ku yeelatay jadwalka duulimaadyada, nasiib-darrose waxay sababi doontaa dib-u-dhacyo iyo baaqashooyin,” ayaa lagu yiri warbixinta.
Maamulka garoonka ayaa sheegay in ilaa hadda la baajiyay 10 duulimaad, iyadoo celcelis ahaan uu jiro dib-u-dhac hal saac ah oo ku yimid dhammaan duulimaadyada dhoofaya.
Rakaabkii oo xog la’aan lagu daayay
Garoomada ay dhibaatadu saameysay ayaa kula taliyay rakaabka u qorsheysnaa duulimaadyada maalinta Sabtida inay xaqiijiyaan safarkooda inta aysan imaan garoonka, iyagoo la xiriiraya shirkadahooda diyaaradaha.
Tereza Pultarova, oo ah saxafiyad, ayaa la hadashay warbaahinta iyadoo ku sugan gudaha garoonka Heathrow, halkaasoo ay ka raaci lahayd diyaarad 6:30 subaxnimo u socotay Amsterdam si ay halkaas uga sii raacdo duulimaad kale oo ku wajahan Cape Town.
“Nasiib-darro, shirkadda diyaaradaha ee aan la socdo… xafiis adeeg kuma lahan halkan, marka xog la’aan ayaa nalagu daayay,” ayay tiri. “Waxay ahayd jahwareer weyn, waxayna runtii ahayd xaalad niyad-jab ku ah dadka intooda badan ee halkan jooga,” ayay raacisay.
Garoonka Berlin ayaa boggiisa internetka ku sheegay in waqtiga sugitaanka uu ka sii dheeraaday hubinta tikdhada, balse uu ka shaqeynayo xal degdeg ah. Garoonka Frankfurt, oo ah kan ugu weyn Jarmalka, lama saameynin, sida uu sheegay afhayeen.
Garoonka Berlin, qof rakaab ah oo lagu magacaabo Kim Reisen ayaa la daalaa dhacaysay dib-u-dhaca iyo xog la’aanta, waxayna u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters in kaliya loo sheegay inay jirto “cilad farsamo.”
Rakaab kale oo lagu magacaabo Siegfried Schwarz, oo isna ka yimid Berlin, ayaa yiri: “Aniga… waxaan u arkaa wax aan la fahmi karin, in iyadoo maanta la haysto teknoolajiyaddan oo dhan, aysan jirin waddo looga difaaco naftaada wax sidan oo kale ah.”
Shirkadda EasyJet, oo ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee ugu waaweyn Yurub, ayaa sheegtay inay hadda si caadi ah u shaqeyneyso, aysan filayn in dhibaatadu ay saameyn ku yeelan doonto duulimaadyadeeda inta ka dhiman maalinta.
Shirkadaha Ryanair iyo shirkadda IAG, oo ah tan leh British Airways kama aysan jawaabin codsiyo loo diray oo la weydiinayay inay ka hadlaan arrintan.
Shirkadda diyaaradaha Mareykanka ee Delta Air Lines ayaa sheegtay inay filayso saameyn yar oo ku timaada duulimaadyadeeda ka baxaya saddexda garoon ee ay dhibaatadu saameysay, waxayna intaas ku dartay inay hirgelisay xal kale oo lagu yareynayo carqaladda.
Ma jiraan wax calaamado ah oo muujinaya khatar ku wajahan garoomada diyaaradaha ee Poland, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dijitaalka ee dalkaas, Krzysztof Gawkowski.
Wasiirka gaadiidka Britain, Heidi Alexander, ayaa sheegtay inay si joogto ah u helayso warbixinno ku saabsan xaaladda.

