Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan khilaafka kala dhexeeya Dawladda Federaalka, oo saameyn ku yeeshay wada-shaqeyntii labada dhinac.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor oo khudbad ka jeediyay shir ka dhacay Garoowe ayaa qiray in khilaafka taagan uu saameyn dhaqaale ku yeeshay maamulkooda, wuxuuna dawladda dhexe ku eedeeyay inay ka goosatay qoondadoodii deeqaha caalamka.
Ilyaas Lugatoor ayaa xusay in xaalad adag uu ku jiro dalka, isla markaana haddii aan la helin badbaado deg-deg ah loo laaban doono burburkii iyo 1991-kii, sida uu hadalka u dhigay.
“Haddii wixii caalamka laga helay ay DFS cunaha-qabatay dadkii, oo hal dollar ka imaan waayay wax la qaban karaa way yaraaneysaa, haddii aan la badbaadina 1991 ayaa lagu noqonayaa” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka maamul-goboleedka Puntand.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay dagaalka ay Puntland kula jirto Daacish, isaga oo sheegay in wax taageero ah aanay ka helin dawladda Soomaaliya, ayna guulo ka gaareen dagaalka.
“Puntland iyadoo aan hal fuuq ka helin deeqihii caalamka ayey dagaal caalami ah ku jirtaa, waxayna ka keentay guulo waa wayn” ayuu sii raaciyay Iyaas Lugatoor.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ay wada-hadallo u socdaan Madaxweyne Xasan iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo lagu soo afjarayo khilaafkooda.
“Waxaan wada-hadal la wadnaa Puntland iyo Jubbaland, waxaana rajaynaynaa in arrinta Jubbaland la xalliyo ka hor inta aan la gaarin doorashooyinka deegaanka iyo kuwa qaranka, Wadahadalka iyo xiriirka waan sii wadaynaa, Puntland way ka warqabtaa arrintaas.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo dhawaan wareysi siiyay warbaahinta Alcarabiya.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in heshiiskaas uu horseed u noqon doono in doorasho hufan oo wada ogol ah ay ka dhacdo Soomaaliya, ayna ka shaqeyn doonaan madaxda heer federaal iyo heer dowlad-goboleed intaba.

