Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan ah ayaa weli ka jirta degmada Dayniile ee gobolka Banaadir oo shalay, illaa xalay ay ka dhaceen rabshado isku bedddalay gacan ka hadal dhex-maray shacabka iyo ciidamada oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Dadka dhintay waxaa kamid ahaa Marxuum Maxamed Cabdullaahi Xasan, kaas oo ay haleeshay rasaas ay fureen ciidamada dowladda ee ku baxay xiisadda ka jirta Dayniile.
Dadka deegaanka iyo dowladda ayaa isku haya burburin ka socota xaafado ka tirsan degmadaas oo ay ka biyo diidan yihiin shacabka, waxaana weli socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.
Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo qoraal soo saartaya ayaa si kulul uga hadashay xaaladda ka taagan degmada Dayniile, iyada oo gara istaag u muujisay deegaanka deegaanka, waxayna sheegtay inay xaq u leeyihiin inay bannaabaxaan.
Faa’iso ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in la’iskula xisaabtami doonto dilka iyo dhaawaca shacabka loogu gaystay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
“Banaanbuxu waa xaq dastuuri ah oo shacabku ku muujiyaan cabashadooda, xaqna uma laha in la xabadeeyo. Inta dhimatay Allaha u naxariisto inta dhaawaca ah Allaha u booga dhayo, laakiin waxaa shaki ku jirin in tiirka taliyayaal u tagi doonaan oo aysan noqon waa dhintay waa baxsaday” ayay tiri Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte.
Sidoo kale waxa ay farriin u dirtay dadka deegaanka oo ay ugu baaqday inay ka hortagaan ganacsato iyo dad kale oo ay sheegtay inay kusoo dhex dhuumanayaan, si loo burburiyo dhulkooda.
“Dadka dagmada Dayniile daggan waa iney ogaadaan dhilqaha dharka ugu jiro sida kuwa ganacsatada isku sheegaa ee guryahooda habeenki dumiska ku qoraayo, nin gurigiisa dumis ku qoray si uu kaaga u dunsho hadaad garan weydid adigiyo garaadkaa” ayay mar kale tiri
Waxaa kale oo ay sii raacisay “Sidoo kale kuwa Taleefanada beenta ah shacabka kula dhex wareegaa ee dalaaleenta ah ee ku qaraabta aniga kun ii saar anigaa kala furfuraayee, ileyn ceeb looma dhinto”.
Xiisadda degmada Dayniile ayaa gaartay meel xun, waxaana si kulul u cambaareeyay xubnaha mucaaradka oo qoraallo soo saaray, balse illaa iyo hadda kama hadlin dowladdu.

