Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa dhawaan qalinka ku duugi doona heshiisyo is-afgarad oo muhiim ah.
Heshiisyadani waxay ku saabsan yihiin ganacsiga, maalgashiga iyo iskaashiga istaraatiijiga, waxaana la saxiixi doonaa horraanta bisha October, inta lagu guda jiro shir lagu wado inuu Muqdisho ka dhaco 4–5 October.
Casuumaad rasmi ah oo kasoo baxday Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka iyo shirkadda Cleanport Ventures ayaa lagu sheegay in kulankani uu furayo weji cusub oo labada dal u dhexeeya, oo quseeya ganacsiga, maalgashiga iyo iskaashiga istaraatiijiga.
“Waxaan sharaf u ah inaan ku dhawaaqno in Madasha Ganacsiga Mareykanka iyo Soomaaliya lagu qaban doono Muqdisho,” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka, Daahir Carab.
Waxa uu intaas ku daray: “Iyadoo la haysto iskaashi amni oo xooggan oo u dhexeeya Mareykanka iyo Soomaaliya, waxaan furaynaa suuqyo cusub, soo jiidaneynaa maalgashi, isla markaana abuuraynaa shaqooyin cusub oo dadkeenna u gaar ah.”
Sidoo kale waxaa lagu wadaa in madashu ay isku keento madaxda labada dal, wasiiro, maalgashadayaal, khubaro siyaasadeed iyo hoggaamiyayaal ka socda ganacsiyada gaarka loo leeyahay.
Shirkan ayaa lagu saleyn doonaa aragtida qaran ee 2060, oo muujinaysa sidii Soomaaliya ay u ekaan doonto boqol sano ka dib xornimada, taas oo horay loogu daah-furay magaalada Muqdisho.
Shirweynahan ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa qodobo ay ka mid yihiin: kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, maaliyadda iyo arrimaha maamulka.
Shirkan ayaa imanaya xilli dowladda Soomaaliya ay horey Mareykanka ugu soo jeedisay inuu cusbooneysiiyo heshiiskii difaaca ee labada dal, kaasi oo ay wada galeen 1980-kii. Heshiiskaasi wuxuu Mareykanka u oggolaanayay inuu isticmaalo dekedaha iyo garoomada Berbera, Kismaayo iyo Muqdisho, oo uu horey u adeegsan jiray.
Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa taageero hor leh siiya Soomaaliya, gaar ahaan dhanka ciidanka iyo bini’aadannimada, wuxuuna qeyb weyn ka qaataa dagaalka ay dowladda kula jirto kooxaha argagixisada.

