Mogadishu (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin, ayaa si kulul u dhaliilay go’aanka dowladda Soomaaliya ee ugu biirtay dalalka taageeray in dib loogu soo celiyo cunaqabateynta Qaramada Midoobay ee saaran Iiraan.
Fahad ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter ku tilmaamay tallaabadaasi “ceeb qaran” iyo “baal madow oo ku raagi doona taariikhda siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.”
“Dal Muslim ah in la cunaqabateeyo inay Soomaaliya taageerto maahan qaraar lagu matalayo dareenka iyo danaha umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri, isaga oo ku eedeeyey dowladda in ay garasho gaab ku dhaqantay.
Wuxuu ku daray: “Haddii aadan dal Muslim ah u hiilin karin, ugu yaraan ka aamus oo dhib iyo dheef midna ha u gaysan.” Fahad ayaa tusaale u soo qaatay dowladaha Algeria iyo Pakistan oo inkasta oo xiriir dhow la leh reer galbeedka, haddana “ilaashaday qiyamka.”
Go’aanka Golaha Ammaanka
Dhaliisha Fahad ayaa timid kaddib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu Jimcihii cod ku diiday in si joogto ah loo qaado cunaqabataynta saaran Iiraan, taas oo la xiriirta barnaamijkeeda nukliyeerka.
Soomaaliya oo hadda ku fadhida kursiga aan joogtada ahayn ee golaha ayaa ka mid noqotay dalalkii ku biiray Denmark, France, Greece, Panama, Sierra Leone, Slovenia, UK iyo Mareykanka, kuwaas oo taageeray in dib loo soo celiyo cunaqabateynta.
Ruushka, Shiinaha, Algeria iyo Pakistan ayaa dhanka kale u codeeyey in la sii wado habkii khafiifinta cunaqabataynta, halka laba dal ay ka aamuseen.
Go’aankan ayaa dhaqaajinaya nidaamka “snapback” oo dhigaya in dhammaan cunaqabateyntii ka hor heshiiskii 2015 dib loogu soo rogo Iiraan marka la gaaro 28-ka Sebtembar, haddii xal diblomaasiyadeed aan la gaarin.
Tehran ayaa arrintan ku tilmaantay mid siyaasadaysan oo sharci darrro ah, halka dalalka reer galbeedka taageeray qaraarka ay ku doodeen in barnaamijka nukliyeerka Iiraan uu khatar ku yahay nabadda iyo ammaanka caalamiga.
“Ficilka maanta la qaaday waa mid degdeg ah, aan loo baahnayn, isla markaana sharciga baal marsan. Iiraan wax waajib ah kama saarna in ay fuliso,” ayuu yiri Amir Saeid Iravani, danjiraha joogtada ah ee Iiraan u fadhiya Qaramada Midoobay.
Heshiiska JCPOA – oo ay saxiixeen Iiraan, Mareykanka, Shiinaha, Ruushka iyo Midowga Yurub – ayaa Tehran ku ogolaatay in ay xaddido barnaamijkeeda nukliyeerka si ay uga hesho ka-qaadista cunaqabateynta.
Laakiin heshiiskaasi wuu burburay sannadkii 2018, kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ka baxay xilligii mudda xileedkiisii koowaad, isagoo dib u soo rogay cunaqabatayn uu si gaar ah Mareykanku u saaray.

