Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hor inta uusan haatan u safrin dalka Mareykanka kasoo laabtay dalka Itoobiya oo uga qeyb-galay munaasabadda furitaanka biyo-xireenka Itoobiya wabiga Nile-ka, kaasi oo xukuumadda Abiy ay dhameystirtay buuxintiisa.
Inkasta oo Madaxweyne Xasan muujiyay niyad wanaag iyo is-afgarad uu la leeyahay Itoobiya, haddana damaca Itoobiya ee ku aaddan inay hesho marin badeed wuxuu sii xoogeysanayaa maalinba maalinta ka dambeysa.
Waxaa jirta cabsi isa soo taraysa oo ku saabsan in Itoobiya isku daydo inay ku fiddo biyaha Soomaaliya ama Eritrea, kadib hadallada qalafsan ee kasoo yeeraya madaxda iyo saraakiisha Itoobiyaanka.
Haddii ay taasi dhacdo, waxay ku soo beegmi doontaa xilli Soomaaliya ay lumisay isbahaysigii saddex geesoodka ahaa ee horay uga hor yimid damacaas, kaasi oo ay ku mideysnaayeen Masar, Eritrea iyo Soomaaliya.
Wada-hadallada Jubbaland ‘oo sii adkaanaya’
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii ula heshiin lahaa Jubbaland, oo ay xiisad siyaasadeed kala dhaxeyso, isagoo dhawaan shaaciyay inay heshiis gaarayaan ka hor doorashada.
Dadaallada lagu wada hadashiinayo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo ay garwadeen ka tahay Kenya ayaa weli sameyn horumar muuqda, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in uu baaqday kulan la qorsheynayay in ay yeeshaan labada mas’uul ka hor safarka Xasan Sheekh ee Mareykanka, halkaasi oo uga qeyb-galayo shirka Qaramada Midoobay.
Wararka ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu dib uga joogsaday kulan toos ah oo si dhaqso leh u dhexmara Xasan Sheekh, xilli uu mucaaradka ka dhageystay tallooyin la xiriira wada-hadallada dowladda dhexe, uuna ka baaqsaday kulankaasi.
Villa Somalia ayaa loo arkaa mid doonaysa in kulanka u adeegsato muuqaal siyaasadeed oo lagu tuso caalamka in khilaaf siyaasadeed oo baaxad leh uusan dalka ka jirin. Mucaaradka ayaa horey ugu eedeeyay Madaxweynaha in aysan dhab ka aheyn wada-hadalladii uu hore ula qaatay Xasan Sheekh, taas oo ku yimid cadaadiska beesha caalamka.
Sidoo kale, waxaa soo baxaya shakiga in dhawaaqa wada-hadallada dowladda dhexe iyo Jubbaland lagu abuurayo shaki u dhaxeeya Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, kuwaas oo dhawaan heshiis gaaray kadib khilaaf muddo dheer ka dhex aloosnaa.
Dhanka mucaaradka, Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo iyadu u muuqata mid ka sastay garabkii mucaaradka ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh kala go’ay ayaa si buuxda uga hortagaysa kulanka.
Masar oo weli u aragta Soomaaliya goob istiraatiiji ah
Kadib ka qeyb-galka Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ee furitaanka biyo-xireenka Wabiga Nile-ka, dowladda Masar ayaa muujisay muhiimadda istaraatiiji ee Soomaaliya u leedahay. Masar ayaa sii wada dhameystirka qorshaha ciidamada ku keenayso dalka, iyadoo dadaallada socda uusan isbeddelin ku keenin tallaabooyinkii u dambeeyay ee hoggaanka dowladda.
Wargeyska ugu weyn ee dowladda taageersan, Al-Ahraam ayaa qoray in Masaaridu ay Soomaaliya u aragto goob muhiim ah oo culays laga saari karo Itoobiya.
Sidoo kale waxaa intaas dheer in wargeysku xusay in xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal uu dhiirri-gelinayo in shacabka Soomaaliyeed loo muujiyo taageero iyo garab istaag.
Isku soo wada duubo, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida muuqata ku jira xaalad siyaasadeed oo cakiran oo ka dhalatay siyaasaddiisa, iyadoo dalku wajahayo caqabado adag oo la xiriira siyaasadda gudaha, deriska iyo loollanka juqraafiyeed ee cusub ee Masar ku soo biirtay.
Caqabadda ugu weyn ayaa ah in iyadoo muddo-xileedka Madaxweynaha uu dhammaad yahay, aysan weli jirin tub qaran oo la isku raacsan yahay oo lagu wajaho kala-guurka iyo doorashooyinka.
Mucaaradka ayaa dhankooda sii wada tallaaboyinka ay cadaadiska ku saarayaan Madaxweynd Xasan Sheekh, iyadoo Madasha Samatabixinta ay maalinta berri ah ku qabanayso magaalada Muqdisho shir muhiim ah oo noqon doona midkii ugu horreeyay shirar taxane ah oo qeyb ka ah cadaadiska Xasan Sheekh ee ku aqbalo hannaan siyaasadeed oo lagu gaaro doorasho heshiis lagu yahay.
Si kastaba, arrintan ayaa sii adkaynaysa xaaladda taagan, maadaama aysan muuqan ifafaalo ay dhinacyadu ku gaari karaan heshiis wada-ogol ah, isla markaana uu hoggaanka dalka ku dhagan yahay hanaankiisa doorasho ee qof iyo cod.

