27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xubno Shabaab ah oo lagu laayay howlgal ka dhacay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasmada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay howlgal culus oo ay ciidamada dowladda iyo saaxibada caalamiga ah ay si wadajir ah 20-kii bishaan uga fuliyeen deegaanka lagu magacaabo Nooleye oo ka tirsan gobolka Galguduud.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka uu ahaa bartilmaameed, isla markaana khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in weerarkan lagu beegsaday saldhigyo ay ku sugnaayeen maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab, laguna dilay illaa 4 xubnood.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in howlgalkan uu qayb ka yahay dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada ee ka socda gudaha dalka.

“Ugu yaraan 4 ka tirsan maleeshiyaadka argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgalka. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Howlalkan waxaa ka horreeyay dagaal kale oo dhawaan lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay degmada Ceedheer ee isla gobolka Galgaduud.

Khasaaraha dhimashada ee kooxda Al-Shabaab ayaa gaaray illaa 70 xubnood, halka ay dhaawacmeen 50 kale, sida uu horay u shaaciyay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha dagaalkii shalay ka dhacay Ceeldheer.

“Khasaaraha dagaalka kusoo gaaray kooxda Khawaarijta, qiyaastii meydadka hadda la hayo waa soddomeeyo, laakiin waxay qaateen oo la hubaa maydad kale iyo dhaawacyo kale, illaa 60 ayuu gaaraya khasaarahooda dhimashada, dhaawacoodana illaa 50 ayuu kor u dhaafay,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale abaal-marisay ciidamada jilibka u dhiga argagixisada ee guusha wayn kasoo hooyay dagaalkii Ceeldheer ee cashirka loogu dhigay Khawaarijta.

- Advertisement -

Read more

Local News