Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa haatan qaaday tallaabo uu ku xoojinayo kalsoonida madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuun toos ugu biiray xisbigiisa.
Muungaab ayaa xalay soo dhaweyn ballaaran oo uu ka qayb-galay Ra’iisul wasaare Xamza loogu sameeyay xarunta xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee JSP, oo uu haatan kamid noqonayo hoggaankiisa, kaas oo sidoo kale ay ku jiraan madaxda sare ee dalka iyo qaar kamid ah kuwa maamul-goboleedyada.
Duqa Muqdisho oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay ku biirista xisbiga JSP, wuxuuna sheegay in xisbiyo la furto ay xoojineyso himilada shacabka ee ku aaddan dhismaha nidaam dimuqraadi ah.
“Waxa aan u mahadcelinayaa dhammaan Madaxda Qaranka, Madaxda iyo Xubnaha Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee JSP, iyo marti-sharaftii qiimaha lahayd ee ka soo qaybgashay munaasabaddii caawa la iigu soo dhaweeyey Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP). Soo dhoweyntiinna waxa ay ahayd mid aan ku garwaaqsaday kalsooni iyo dhiirrigelin, taas oo xoojinaysa himilada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dhismaha nidaam dimuqraadi ah oo ku saleysan tartan xisbiyo iyo cod shacab” ayuu yiri Duqa magaalada Muqdisho.
Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo horay ugu magacaaay xilka uu hayo ee gobolka Banaadir, isagoo sheegay inuu gudanayo waajibkiisa.
“Waxa aan rabaa in aan si gaar ah ugu mahadceliyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ii oggolaaday in aan mar kale dalkeyga iyo dadkeyga ugu adeego hoggaamin aragti ku dhisan” ayuu sii raaciyay.
Guddoomiyaha gobolka ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha Villa Somalia ee ku aadan qof iyo cod, wuxuuna sheegay in fursad u tahay shacabka, si ay usoo doortaan hoggaankooda.
“Soomaaliya waxa ay joogtaa Isgoys aysan dib uga noqon karin, kala-bayrkaasina waa in Muwaadiniinta ay codkooda ku ciil baxaan, oo ay ku doortaan qofka ay kartida ku ogyihiin. Sanduuqa Codbixinta ayaa noo madal ah! Soomaaliya ha guulaysato! ayuu mar kale yiri.
Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa markii hore mucaarad ku ahaa madaxweyne Xasan, wuxuuna sidoo kale ku jiray xisbiga Sheekh Shariif ee Himilo Qaran, kaas oo haatan isaga soo baxay, wuxuuna ku biiray kooxda madaxweynaha oo ay isku siyaasad noqdeen.


