Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo maanta shirweyne xasaasi ah uga furay magaalada Muqdisho ayaa dalbaday in waqtigeeda lagu qabto doorashada madaxtinimada Soomaaliya.
Hoggaamiyaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, Shariif Sheekh Axmed ayaa caddeeyay in dalkaan badbaadadiisu tahay doorasho dhacda afartii sanaba hal mar.
“Dalkan wuxuu ku badbaaday in afartii sanaba la qabto doorasho heshiis lagu yahay, qaabka ay doonto ha ahaato,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka, haatana hoggaaminaya mucaaradka ku mideysan Madasha Samatabixinta.
Shariifka ayaa tilmaamay in geedi-socodka dowladnimadda uu soo maray marxalado kala duwan, isla markaana halkaan lagu soo gaaray wada-tashi iyo is-dhageysi, taas oo asal u ah dowladnimada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.
“Dastuurkeenna waxaa aas-aas u ah wadatashi iyo is-dhageysi. Shirkaan wuxuu ka dhashay baahidaas oo muuqata, talladii oo meesha ka baxday iyo baqdi badan oo dadka waxgaradka ah ay qabaan siday hada wax ku socdaan kusii socdaan xaggee wax ku dambeyn doonaan, taas marka waxay u baahan tahay ra’yi kala duwan,” ayuu yiri Shariifka.
Madaxweynihii hore ee dalka ayaa caddeeyay in khilaafka siyaasiga ah ee taagan uu ka bilowday wax ka beddelkii dastuurka, oo uu sheegay in hanaan aan sax aheyn loo maray, taas oo uu xusay inay sii fogeysay wax walbax isla markaana dalka ku hoggaaminaysa xaalad halis ah.
“Arrintaas markii laga waacday, dadka halkaan fadhiya in badan oo kamid ah waxay bilaabeen walwal, waxay bilaaneen tallooyin inay madaxweynaha iyo dowladda inteeda kale u jeediyaan, nasiib darro laguma guuleysan,” ayuu yiri
Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa ka dhashay arrintaas marka khilaaf ku yimaada hanaanka doorashooyinka, maxaa yeelay sida aan wada ognahay dalkaan waxyaabaha uu kusoo caano maalay afartii sanaba in doorasho la isku waafaqsan yahay oo laga tashaday, sida ay doonto ha ahaatee natiijadeeda la wada aqbalaayo ay ka dhacdo dalka.”
Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed oo horkacay mucaaradka dowladda ayaa muujiyay halka ay ka taagan yihiin doorashada qof iyo cod ee haatan ay wado dowladda federaalka, oo uu sheegay in aysan ku imaan hanaankii lagu yaqaanay doorasho dadweyne.
“Waxa yaabka leh waxa waaye in laga hadlo wax fiican, haddana aan laga shaqeynin. Waxa la yiraahdo qof iyo cod waa wax aad u fiican laakiin waxay u baahan tahay shaqo, waxay u baahan tahay nabad-gelyo, heshiis iyo is-faham, intiiba ma jiraan,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Hoos ka daawo muuqaalka

